Dagaalka Gaalkacyo Hadduu Sii Socdo DFS Ma Jiri Doontaa, Dhegeyso Wararka Ay Faafinayaan Websaydyada Galmudug lahaansha Mudug.

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa cad haddii uu dagaalka Gaalkacyo sii socdo in aynan jiri doonin DFS, waayo dagaalkan Gaalkacyo aakhirka wuxuu isku badali doonaa dagaal qabiil sidii dagaalkii 1991.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay muqdisho u jirtaa 750 km.
Inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Muqdosho ayaa waxaa dega beesha Hawiye, waxaana meesha ka bixi doonta kalsoonidii shacabka kasoo jeeda beelaha Daaroodka in ay isku aaminaan joogitaanka Muqdisho oo aynan maantaba beelaha Soomaaliyeed wada deganayn magaakada Muqdisho.

Qolooyinka xamar fadhiya ee ku naaxay lacagta ay ku heleen magaca dawladda Soomaaliyeed hadana iimaan xumi awgeed iyo hami aduun oo kale oo ay istiseen in ay Gaalkacyo dagaal ka ridaan si hamigoodu u meel maro sida carqaladyn mashruca dekadda Garacad Goldogob, ayaan caqliga ku darsan in haddii Gaalkacyo uu dagaal ka dhaco aynan sii jiri doonin DFS ee ay hadda waxwalba iyagu qaataan, markaasna ayba adkaan doonto in DFS dib loo dhiso.

Dhanka kalena websaydyada Galmudug qaarkood ayaa faafinaya sheegashada Gobalka Mudug Oo Dhami in uu yahay Galmudug.

Hoos ka dhegeyso

Ama odayaasha galmudug hadlkii ay maalin dhawayd idaacadaha ka sii daayeen.

3 Responses to Dagaalka Gaalkacyo Hadduu Sii Socdo DFS Ma Jiri Doontaa, Dhegeyso Wararka Ay Faafinayaan Websaydyada Galmudug lahaansha Mudug.

  1. Pingback: Dagaalka Gaalkacyo Hadduu Sii Socdo DFS Ma Jiri Doontaa, Dhegeyso Wararka Ay Faafinayaan Websaydyada Galmudug lahaansha Mudug. - Daily Somalia Report