Dagaalka Gaalkacyo iyo xaaladda hadda

Filed under: Wararka |

Saaka ayaa waxaa suuqa magaalada Gaalkacyo soo weeraray maleeshiyaad dhanka Galmudug ka soo jeeda.
Suuqan ayaa wuxuu kuyaal xaafadda Israac balse dhanka Baraxlayna xuduud la leh.

Maleeshiyada Galmudug waxaa iska difaacay dhalinyarada Qaadka iyo waardiyayaasha Suuqa iyo Maleeshiyo beeleedyada dhanka Puntland.
Waxaana markii danbe Hoobiyayaal soo tuuray maleeshiyada dhanka Galmudug.

Waxaa wararku sheegayaan in ay aynan dagaalka galin ciidamada Daraawiishta Puntland Illaa hadda, marka laga reebo laba madfac Taangi oo ay ku dhufteen meelihii Hoobiyaashu kasoo dhaceen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Galmudug dhanka gadaale xaafadda Garsoor kasoo galeen balse markii danbe dib looga riixay.

Wali waxaan dagaalka si saxa uga qaybqaadan ciidamada daraawiishta Puntland oo Hubculus iyo Taangiyo farabadan wata, waxaana magaalada kusoo badana Gurmadyo ciidan.