Dagaalka Qabow ee Ruushka iyo Reer galbeedka oo cabsi iyo walwal baddan ku beeray dadka ku nool wadamada Ruushka iyo Reer Galbeedka(falanqayn kooban)

Filed under: Wararka |

Waxaa waayadan danbe ka taagan cabsi aad isku soo taraysa oo ka taagam baqdin dadkii ku noolaa wadamada reer Galbeedka iyo Ruushka aad looga cabsi qabo cawaaqib xumada ay keeni karto dagaalkan qabow ee hadda ka dhex bilowday wadamada reer Galbeedka iyo dalka Ruushka.

Dagaalkan oo dadka badankiisu ay Goobaha fadhikudirarada ku falanqeeyaan, ayaa dad badani aaminsanyihiin in uu salka ku hayo cidda aduunka Maamulaysa oo hadda waxyaalo baddan la isku qabsaday.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dagaalkan uu qayb kayahay isku haynta lacagaha Adag iyo cidda maamulaysa, isla markaana ay taasi keentay in dagaalku hada ka bilowdo dhanka ganacsiga iyo is dhaqaale curyaaminta.

Dalka ruushka ayaa dhamaan waxyaalaha uu aduunka u iibgeeyo u iibgeeya 50% wadamada European union halkaan ka eeg
Direction of trade Goods Services FDI Total
EU to Russia €105 billion €18 billion €17 billion € 140 billion
Russia to EU €173.2 billion €11.5 billion €1 billion €185.7 billion

Dhanka kalena wiiggii hore Ruushku wuxuu joojiyay dhamaan alaabihii uga iman jiray dalalka reer Galbeedka taas oo dhaqaale jab u keeni karta wadamo baddan oo reer Europe ah oo ay ugu horeeyaan wadamada xuduudda la leh Ruushka.

Hadaba bal aan in yar falanqayno maxaa dhici kara haddii xal loo waayo arrimahan.
Bil xaqiiqiyan horta marka hore gacanta la iskula tagi maayo ee siyaasadda ayaa la isku dilayaa, hadana waxaad mooddaa in Ruushku uu xitaa diiday diyaaradihii dushiisa marayay ee u socday dalalka bariga Asia ee dalalka reer galbeedka ka imanayay tani oo kala xiraysa duulimaadyadii u dhexeeyay reer galbeedka iyo Asia dhanka Bariga waqooyiga xiga.

Marka hore waxaa la isku curyaaminayaa dhaqaalaha, marka danbana waxaa la isku isticmaali doonaa siyaasadda Qaybi oo Xukun, iyo waxkasta oo qalafsan oo la isku curyaaminkaro.

Badanaa Madaxda aan doorashada cadaaladda ah ku iman ee xoogga iyo Jajuubka dadkooda ku haysta waxaa sahlan haddii dalka dhaqaalihiisu hoos u dhaco in si sahlan looga horkeeno shacabkooda maadaama shacabkii nolashuna ku adkaatay xukuumadiina ay naceen.

Waxaanan ognahay in dalka Raashiya aynan Dimoqraadiyad kajirin isla maerkaana ay jiraan Gobalo baddan iyo shacabkooda oo aan raali ku ahayn kasii mid ahaashada dalka Russia, iyo dhaqaalo xumo, cadaalad daro, musuqmaasuq.

Taas oo loo adeegsan karo siyaasadda Qaybi oo xukun oo markaas la iska hor keeni karo dadka kunool Russia iyadoo lala safanayo kuwii dulmanaa.

Inkastoo dhanka kalena ay Ruushku ka faa-iidaysanayaan Macdanta faraha baddan ee dalkooda ceegaagta, iyo Baahida macdanta iyo Tamarta ay u qabaan wadamada India iyo China, iyo dadka Ruushka oo yar iyo Dalka oo aad u baaxadwayn Macdan farabaddanna dhex ceegaagto.

Si kastaba ha ahaato waxaad moodaa in ay imanayso maahmaahdii Gari laba nin kama wada qosliso, oo markaas dagaalkan Qabow ee bilowday Qolo laga adkaan doono.

Ruushka iyo Reer galbeedka ayay dantoodu ku jirtay in ay siyar uga heshiiyaan waxyaalaha yaryar ee ay isku hayaan, laakiin qadaraha rabaanigaa cidina ma hor istaagikaro