Dagaalka qabow ee Ruushka iyo Reergalbeedka maxaa cawaaqibxumo ka dhalankara , akhri falanqaynta iyo warbixno macluumaad wata

Filed under: Wararka |

Baryaahaan ayaa waxaa ka dhexbilowday wadamadda Ruushka iyo Europe Qulqulado dhanka afka ah, iyo dagaal qabow, hadaba maxaa ka dhalankara dagaaladaas aakhirka Falanqayn kooban iyo macluumaadkan ka faa iidayso.

Dabcan dagaalka marka hore bilaaban kara waa dagaal dhanka dhaqaalaha ah, iyadoo markaas qolo kasta ay awoodeeda iyo xulafadeedda isticmaalayso.

Dhaqaale waxsoosaarka sanadle ee (GDP) ee Ruushka ee 2013-ka ayaa lagu qiyaasay 2.2 Trillion$, Halka GDP-ga Jarmalka ee 2013 uu noqday 3.6 trillion$ Halkaan ka daawo warbixtaas

Mar hadii dalka Ruushka uu ka dhaqaale badan yahay haldal oo Europe kamidda halka maraykanka GDP-giisa 2013 ay ahayd 16 Trillion taas oo Ruushka ku 8-eed jibaaranta.

Hadaan in yar falanqayno meelaha Ruushku uu daciifka ka yahay ee looga adkaan karo

Hadaad daawatay warbixinta wadamadda ugu GDP baddan Waxaa markaa iska cad in aanu Ruushku marna u babac dhigi karin ama isku dheerarinkarin wadamadda reer galbeedka xiliga maanta aan joogno.

Dhanka kalena waxaa Ruushka intaas u dheer Xukuumadda hada dalka Russia taladda haysa oo aan si cadaalad iyo isreeb reeb rasmiya xukunka ku qabsan, ee si jajuub iyo laalaaba xukunka ku qabsatay taas oo ay jiraan dad aad u farabadan oo aan ku qanacsanayn qaabka xukunka dalka ay xukuumadda ku haysato.

Halka wadamadda reer galbeedka dhamaantood ay shacabku xukuumadaha si cadaalada usoo doorteen isla markaana ay shacabka dunidda reer Galbeedka ku nool ay nafta u hurayaan wadamadooda xukuumadaha haya taladana ay dhamaantood yihiin xukuumado si is reeb reeb saxa xukunka dalka ku yimid.

Waxaa intaa u sii dheer Dalka Ruushka iyadoo uu kajiro musuqmaasuq aad u baahsan taas oo shacab badan ka caraysiisa ama shacabka ruushka ku abuuraysa in aynan wadaniyiin noqon.

Arrimihaan cadaalad daradaa ee kajira dalka Ruushka waxay sahli karaan in wadamadda Reer Galbeedku ay kaga faa iidaystaan in loo isticmaalo siyaasadda Qaybi oo xukun oo markaas Xukuumadda Buutin lagu kiciyo falaagooyin mucaaradda oo diidan cadaalad daradda iyo musuqmaasuqa.

Shacabka Ruushka ayaa Jinsiyad ahaan kasoo jeeda Qowmiyadda cadaanka ee indhahoodu Buluuga yihiin isla markaana haysta diinta Kiristanka, tan oo ku adkaynaysa in ay xulufo rasmiya la noqdaan qowmiyadaha Asian-kaa sida China.

Dhanka kalena dalka Ruushku wuxuu xuduud la leeyahay China, waana uu iska illaashaa in China aad ugu xoogaysto iyadoo dad baddan oo Ruusha ay naftooda uga baqaan, tan oo caqabad kunoqnkarta in uu Ruushku xulufaysi rasmiya ka helo wadamada Asia

Hadaan xoogaa Falanqayno meelaha uu Ruushku awooda ku leeyahay

Dalka Ruushka ayaa ah dalka haysta Kaydka ugu baddan aduunka ee Gaaska Dabiiciga (Natural gas) ee aduunka isla markaana ah dalka koobaad ee ugu soo saarista baddan Gaaska Dabiiciga.

europe-gas-import

Sida masawirka kore ku cad Europe waxay ka soo dhoofsataa Ruushka Gaaska Dabiicigaa ee ay Korontada ka dhashato 34%, kaas oo aad ugu mihiima dalalka qaarada Europe maadaama ay waliba xiliga qabowgaa aan koronto la aan lagu noolaan karin Europe.

Waxaa intaa usii dheer waxaa uu Gaasku soo dhex maraa Tuubooyin waawayn ee markab ama tareen laguma soo qaado, taas oo qiimaha Gaasku Europe kuyimaado ka dhigaysa Qiima aynan kula tartami karin wadamo Gaas leh ee fog fog sida Qadar ama maraykanka

Hoos ka eeg Tuubooyinka waawayn ee Ruushka ee keena Gaaska dalalka Europe.
http://www.youtube.com/watch?v=iRXbiPsYGH4

Sida Filimka kore ka cad Ruushka ayaa aad hada gacanta ugu haya wixii ay Europe aadka ugu baahnayd taas oo ku khasbaysa wadamada reer Europe in aynan marna ka hor iman siyaasadda Ruushka ama ay calaa aqali siyaasad kasta ku dhameeyaan deganaan iyo wadahadal maadaama ay aad ugu baahanyihiin Gaaska Ruushka.

Hoos waxaad kadaawataa warbixin sheegaysa in Ruushka Ukrain kuleeyahay lacag dayna oo gaaraysa 16 Billion $ isla markaana uu Ruushku ka joojinayo Gaas Ukrain hadii aynan daynta dhiibin.

Hadaba yaa durba ay faa iido ugu jirtaa hadii Gaaskii Europe Ruushka laxiro ama siyaasad soo dhex gasho

Durba waxaa soo baxaya in ay hada reer Europe ku khasbanyihiin in ay helaan Pipeline kale ama tuubooyinka kale oo Europe Gaas keena, waxaana jaaniskaas kaga faa iidaysanaya Dalka Turkiga, Kurditan iyo Azerbajaan.

http://www.youtube.com/watch?v=qaEQQyYkYY8&list=PLPiYJrzOAPSO6TWa8-NPMwZZa2Dp1l3C6

http://www.youtube.com/watch?v=DPury62r4L4

http://www.youtube.com/watch?v=T5Me7inZS2U