Dagaalka suuqa Ethiopia oo ka dhex billowday beelaha iyo maamul Gobaleedyada Soomaalida (Warbixn Muhim ah)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Waxaa baryahaan danbe si hoose xawli ugu socday hardan beelaha iyo maamul Gobaladeedyada Soomaalida dhexdooda ah oo ku saabsan suuqa Ethiopia.
Waxaa hardankaas si wanaagsan uga faa iidaysay Madaxwaynaha Jabuuti oo qaatay 80% wixii ku saabsan suuqa Ethiopia isagoo markaas ka Faa-iidaystay kala qubqubnaanta Soomaalida.

Dhanka kalena waxaad mooddaa in ay jirto siyaasad Hoose oo Beelaha Sooomaalida dhexdoodu ay ku hardamayaan helidda Suuqa Ethiopia maadaama ayna hadda jirin siyaasad ay Soomaalidu ku midaysanyihiin

Waxaana hadda socda tartan Dekadaha Garacad iyo Hobyo ah, oo labada beelood ee ka soo kala jeeda labada deegaan ay mid walba doonayso in ay Suuqa Ethiopia kaga hormaraan Qolada kale.

Fikirka sheegashada Gobalka Mudug waxaa ugu waynaa shaki laga qaaday in Dawladda China ay maalgaliso Dekadda Garacad oo markaas la doonayay in Deegaankaas laga dhigo deegaan la isku haysto, warbixntaas oo aan markiiba ku daabacnay Puntlandobserver halkaan ka akhri

Hadaba halkaan ka eeg maapka Dekadaha ku tartamaya Suuq Ethiopia.

Dagaalka Suuqa Ethiopia

Dhanka kale ayaa marka laga eeggo dhanka Ethiopia waxaa ay wadada laamiggaa Soo Gaadhay Magaalada Qabridahare oo aan saas uga sii Fogayn magaalooyin badan oo dhanka Soomaaliya ah.

Hadda magaalada Qabri dahare waxaa soo gaaray laamiga ka yimaada Dhagax buur.

Laamiga dhagaxbuur waxaa kusoo xiran Laamiga Jigjiga.

Hoos ka eeg Maapka oo aad si waadatax u daalacan karto magaalooynkas
Dagaalka Suuqa Ethiopia 2

Dhanka kalena waxaad hoos ka daawataa Madaxwaynaha Galmugud oo dhagax dhiagy wado isku xiraysa Hobyo iyo Caabudwaaq