Dagaalkii Daraawiish Iyo Ingiriis Wali Miyuu Socdaa 120 sano kadib(Falanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Taleh_Castle
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo Ku Dhashay Magaalada Buuhoodle ayaa aas aasay ciidamadii Daraawiishta ee diidanaa in Soomaaliya ay gumaystaan dalal shisheeye, hase yeeshee Ingiriisku wuxuu Sayidka kula dagaalamay Taatikadii uu Ingiriisku caanka ku ahaa ee Qaybi ee xukun, wuxuuna Ingiriisku la heshiiyay beelihii ay markaas beesha uu Sayidku kasoo jeedo aan kasoo jeedin, dhanka kalena Ingiriisku wuxuu u qaybshay beesha Daarood ee Uu Sayidku kasoo jeeday 4 Qaybood.
Qayb wuxuu hoos geeyay Ethiopia, Qaybna Kenya, Qaybna Muqdisho oo Talyaanigu haystay, Qaybna Hargaysa.

Waxaanad mooddaa 120 sano kadib in xaal wali sidii yahay, Ingiriisna aannu dagaalkii dayn Beesha uu kasoo jeeddo Sayidkuna aynan wali is dhiiban, caawana waxaa la isku haystaa magaaladii uu Sayidku ku dhashay bal daawo saacado kahor waxgaradka magaaladaa.

Fikirkaan gooni isutaagga waa fikirkii uu ingiriisku dhexdhigay Soomaali, dhanka kalena Soomaaliya waxay la burburtay markay dagaal ku qaaday dhulkii uu ingiriisku Ethiopia siiyay, hadana Ethiopia markii laga adkaaday waxaa usoo hiiliyay reer Galbeed

Halkaan ka akhri Taariikhda sayid Maxamed Cabdilla Xasan
https://en.wikipedia.org/wiki/Mohammed_Abdullah_Hassan

Xalka

Xalku wuxuu ku jiraa in ay jiilka hadda nool wanaag iyo maslaxad guud ee umadeed ka shaqeeyaan, khaasatan in la qaato nidaamka Federaalka oo deegaanadaas ssc maamul Gobaleed u gooniya loo sameeyo.

In laga shaqeeyo midnimada Soomaalida iyo wanaagga.
Maantay dalka ingiriiska waxaa ku nool boqolaalkun oo Soomaaliya, oo Soomaali iyo Ingiriis xumaani ma dhextaal, waxaana wanaagsan in jiilka nool ay ka shaqeeyaan wanaag iyo walaaltinimo iyo waa cusub

One Response to Dagaalkii Daraawiish Iyo Ingiriis Wali Miyuu Socdaa 120 sano kadib(Falanqayn)

  1. Pingback: Dagaalkii Daraawiish Iyo Ingiriis Wali Miyuu Socdaa 120 sano kadib(Falanqayn) - Daily Somalia Report