Dagaalkii Khaliijka Oo Cadaado Ka Billowday, Xaaf Oo Shandad Lacaga La Yimid Iyo Xamar oo Hal million$ Laga Soo Diray Si Xaaf Xukunka Looga Tuuro

Filed under: Important News,Wararka |

Wararka naga soo gaaraya magaalada cadaado oo ah caasimadda kumeelgaarkaa ee Galmudug ayaa waxaa kasocda hardan u dhexeeya khilaafkii khaliijka.

Waxaa la sheegayaa in magaalada Muqdisho laga soo qaaday hal million$ oo la doonayo in loo qaybiyo xildhibaanada Galmudug si ay xukunka uga tuuraan Xaaf.

Dhanka kalena Madaxwayne Xaaf ayaa Dubai horay uga soo qaatay shandado ay ka buuxaan Dollar si uu isaga laaluusho xildhibaanada Galmudug oo uu ka baqayo in ay inta lacag qaataan xukunka ka tuuraan.
Xildhibaan Yusuf Dhagay ayaa la sheegayaa in uu lacagta horay usoo qaaday.

Soomaaliya waxaa waalay waa xildhibaan xaaraan cune masiirkii umadda shilimaad siisanaya, oo khadyaan laga taaganyahay.

4 sano kahor baan Puntlandobserver ku daabacnay maqaal nuxurkiisu ahaa iska ilaasha xildhibaan codka masiirka umadda lacag ku iibsanaya oo halasoo saaro sharci dhigaya xldhibaankii iyo musharixii iyo madaxwaynihii codka xildhibaanka laaluush ku iibsha ama ku iibsada 15 sano oo xariga iyo ganaax ha la isugu daro.

Hadda shalay haddii xaaf uu xildhibaanada iibsaday maxaa diidaya in maantana xildhibaanadii la iibsado, oo xaaf waa la yaabanyahay.

 

Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad (dib u Akhri warbixin muhima)