Dagaalkii Qatar Iyo Imaaraadka Soomaaliya Ku Dhex Maray Iyo Soomaalida Oo Aan La Socon (Qoraal Xasaasiya Xalna ku Dahaaranyahay)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waxaa iska caddaa dagaal u dhexeeya Qatar iyo Imaaraadka oo garab ka helaya Saudi Arabia in uu ka socday Soomaaliya.

-Xiligii xukuumaddii Xasan Sh, imaaraadku waxay wateen Dhawr siyaasi .

Waxay kaloo Imaaraadku maalgashadeen Dawlad Gobaleedyada, waxaana imaaraadka intaas u dheer in ganacsiga Soomaaliya uu aad ugu xiranyahay Imaaraadka.

-Qatar ayaa ciyaartay turub oo awoodda saartay in ay hesho ruuxa Madaxwaune ka noqonaya Soomaaliya, waxayna dawladda Qadar Soomaaliya usoo wakiisheen Fahad Yaasiin.
Fahad Yaasiin ayaa maalgalliyay Xasan Sh doorashadii uu Madaxwaynaha ku noqday 2012

Markii ay doorashadu socotay 2016 Fahad Yaasiin wuxuu cododka xildhibaanada u iibiyay Farmaajo isagoo dabcan ballamo badan la gallay, waana sababta uu Fahad Yaasiin u noqday Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in Qadar maanta maamusho kursiga ugu sareeya Soomaaliya.
Dawladda Qadar waxaa lagu xantaa in ay maalgalliso Ururka Alshabaab, dadka qaar baa ku doodaya Qadar waxay rabtaa in ay Alshabaab soo jiidato si ay alshabaab ugu dhaga nuglaadaan siyaasadda Qadar.

Warar suuqa la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in ay jiraan shirkado shidaal oo ay wada leeyihiin Qadar iyo Ingiriiska oo damacsan in ay Soomaaliya Shidaal kasoo saaraan haba dhaceen intiisa badane.

Waxaana loo badinayaa Raysalwasaare Khayre oo horay u ahaa agaasimihii Somoil isla markaasna xiligii doorashada aad ugu olalaynayay Xasan Sh in uu isna xuluafadaas ku lammaanyahay ayaa loo badinaaa, waxaana cid walba xasuusataa in Somaoil uu Xasan Sh u wakiishay Raysalwasaare Khayr, waayo Xasan Sh ayaa Somaoil wax ka aasaasay, Xasan Sh waxaa madaxwayne ka dhiagay Qatar, qatar waxay wax ku leedahay shirkadda Shell ee Ingiiska laga leeyahay.
-Dhanka kalena Raysalwasaare Khayre ayaa ah Farmaajo seedigiis.

Hadaba haddii xaal halkaas marayo, waxaa dhacay khilaafkii Sacuudiga iyo Qadar.
Suciidiga ayaa markii Farmaajo la doortay Casuumay maalmo yar gudahood, intii aan Raysalwasaaraha la dooran, waxaana cajiiba sida looga gaarsiiyay xulushada Raysalwasaaraha oo uu Farmaajo isagoo diyaarad Sacuudiga usii saaran uu Twiterka ka magacaabay, taasi oo loo qaadan karo in laga gaarsiiayay inta aynan Sacuudigu isbadel kusoo samayn Farmaajo.

Farmaajo markii uu Sacuudiga tagay waxaa loo ballanqaaday aduun gaaraya 4 billion$, waa kharash aad u badan.
Waxyar ka dib waxaa dhacay Khilaafkii Sacuudiga iyo Qadar, dadyow baaba baryahaan waxay leeyihiin Qadar iyo Sacuudigu amayba arrimaha Soomaaliya isku khilaafeen.’

Dfs ayaa sheegtay in aynan qolana la safanayn ee ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka, arrinkaas oo ay Soomaalidu aad ugu riyaaqeen.

DFS ayaa ku adkaysatay in aynan badelayn muwqifka dhexdhexaadnimo, waxayna dad badan aaminsanyihiin in Qadar bixisay lacago u dhigma kuwii sacuudigu ballanqaaday ee gaarayay 4 billion$.

Hadaba waa halkaan meesha taladu ka xumaatay.

Siyaasiyiintii DFS ayaa waxaa horyaal laba daran mid doorro.

-in lacagtii faraha badnayd ee Qadar dhiibtay wax laga siiyo madaxda dawlad gobaledyada, si ay u taageerraan mowqifka DFS, iyo in lacagta Qadar bixisay qayb ka mida looga takhaluso madaxda dawlad Gobaleedyada, waayo madaxdaan waxay xiriir dhaw la leeyihiin imaaraadka .

-Waxaanad mooddaa in Madaxda DFS ay qaateen go’aanka ah in madaxda maamul gobaleedyada laga takhaluso.
W

-Seeftii ugu horaysay waxay ku dhacday Madaxwaynihii hore ee Hirshabeele, kadib markii uu ku dhawaaqay in uu taageersanyahay Xulafada Sacuudiga, maalintii uu waraaqdaas soo saaray isla wiig gudihiis waxaa laga xayuubiyay xukunkii, waxaana aad u qayliyay Madaxwaynihii Hirshabeele balse cidna dhag jalaq uma siin

-Arrinka ayaa waxaa ka warhelay Xaaf oo soo xuuraansaday in lagu soo wajahanyahay.
-Dhanka kalena waxaa nasoo gaaraya in Xaaf imaaraadka looga ballanqaaday lacag dhawr million$ oo uu afkiisa ka sheegay in uu Qaraab tagay markii lacagtii Qadar aynan DFS waxba ka siin.
Soomaalida ayaa suuqa isla dhexmarayay in Cumar Cabdirashiid uu Xaaf iyo madaxda maamul-gobaleedyada lacago uga soo dhameeyay imaaraadka si ay Sacuudiga u taageeraan.

-Xaaf iyo Shariif Sakiin keebaa siyaasadda yaqaanay markii la soo weeraray?.
Xaaf markii uu lacagta kasoo qaatay Imaaraadka wuxuu yimid Galmugug wuxuuna ka warhelay in Mooshin laga keenayo, dabadeedna wuxuu xabsi guri galliyay Madaxayne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Hase yeeshee waxaa mooshin ka keennay Xildhibaanadii Baarlamaanka
Laakiin Shariif Sakiin oo la sheego in uu yahay nin siyaasad sakiinneedka laacib ku ah.
Shariif Sakiin wuxuu lacagtii Imaaraadku ku maalgalliyay ciidan uu ugu magacdaray ciidanka Hangashta ama dharcad, wuxuu kaloo samaystay Xabsi dhulka hoostiisa ku yaal.
Shariif Sakiin wuxuu ciidankiisii sirdoonka ku sii daayay suuqa, wuxuuna ka codsaday in la dhexgallo xildhibaanada Koonfur galbeed, dabadeedna xildhibaankii laga dareemmo waxyar oo la xiriira Mooshin in xabsiga uu samaytay lagu rido.
Warar si hoose noosoo gaaraya ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu xirxiray Xildhibaanno farabadan, isla markaasna uu sidaas uga guulaystay kooxihii DFS ee waday qorshaha xukunka looga tuurayo Shariif Xasan.

-Dhanka Puntland ayaa qudheeda waxaa socday isku day dhanka DFS balse aan mira dhallin.
-Jubbaland ayaad mooddaa in ayada qudheeda qorsheyaal loo habbeeyay balse aan wali suuqa lasoo gallin oo aan mira dhallin.

-afeef.
Warbixinadaas kore waa wararka suuqa Soomaalidu isla dhexmaryaan ee ma ahan kuwo aan xaqiiq 100% u hayno, waana ka raali gallinaynaa wixii aan xaqiiq ku salaysnayn.

U jeedka aan qoraalkaan u daabacnay.

Waxaa baryahaan hallis ku sugan in ay aad hoos ugu dhacdo, kalsoonidii lagu qabay in Soomaaliya horay usocoto oo aan dib loo laaban.
-Waana sababtaas sababta aan qoraalkaan u daabacnay, si loo saxo wixii qalada ee dhacay.
Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha DFS waxay ahayd markii la doortay in ay bookhasho ku tagaan Dawlad Gobaleedyada oo ay waliba mudnaan gooniya siiyaan Puntland oo ahayd oo ahayd halkii laga soo hindisay qorshaha DFS, isla markaana ah goobta ugu nabdoon dawlad Gobaleedyada.

Madaxwayne farmaajo ayaan noloshiisa bookhan Puntland, wuxuuna farmaajo raysalwasaare kasoo noqday xukuumaddii Sh Shariif 8 Sano ka hor, intii ka danbaysay wuxuu ahaa Musharax.
Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa bookhday dalal aad u farabadan oo caalamka ku yaal, waxaysan wali Bookhan Puntland.

Xalka.
Waxaa habboon in Shirwayne ballaaran lagu qaabto Puntland.
Shirkaas waa in ay yimaadaan Madaxda Dawlad Gobaleedyada, Madaxwaynaha Raysalwaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka Wasiirada Qaarkood.

Waana in arrimo badan dib lowgu gorfeeyo, iyo isa sixid iyo is cafin.
Waana in la sameeyo qorshe hawleed cusub 3da sano ee soosocota DFS, qrshe hawleedyada looga baahanyahay in ay ku guulaysato iyo sidii la isku waafajinlahaa shaqooyinka Dawlad Gobaleedyada iyo shaqooyinka DFS, iyo sidii Dastuurka dib u eegis lowgu wada shamaynlahaa iyadii ay doorka ugu wayn dawlad Gobaleedyadu ku yeelanayaan.
In la isla meel dhigo lacaga dalalka Carabta laga soo helo marka uu Madaxwayne gaarro, iyo deeqaha Caalamka ka yimaada.
In la isla meel dhogo Caasimad ku meelgaara oo aan Muqdisho ahayn, waa haddii la doonayo in horay loo dhaqaaqo.
Puntlandobserver desk