Dagaalkii shalay Saaxdheer oo lasheegay in ay Soomaaliland u isticmaashay nidaamka Qaybi oo xukun oo is ticmaalay Jifida Qayaad oo dhanka Ethiopia ka dhabarjabiyay Ciidamadii Khaatumo

Filed under: Wararka |

Maamulka Soomaaliland oo isticmaala khibraddii Boqortooyada Ingiriiska ee Qaybi oo xukun isla markaana lacago aad u fara badan ku bixiya sidii loo qaybqaybin lahaa beelaha Dhulbahante ayaa waayadan danbe markii Horgalayaashii Bah Baharar-same ay isku aamini waayeen waxay awoodda saareen in ay Isticmaalaan Jifida Beesha QAYAAD EE ay wada dagaan ama ood wadaagga yihiin JIFIDA BAHARARSAME EE AY KASOO JEEDAAN CALI KHALIIF IYO GARAAD JAAMAC EE DEGA INTA U DHAXAYSA LAASCAANOOD IYO SAAXDHEER.
divide
Dagaalkii shalay ayaa lasheegay in markii ay Ciidamada Khaatumo iska difaaceen Horgalayaashii uu hogaamiyay Horgale Mahad Cambaashe oo kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad, ay hadana mar qura la arkay dagaalkii oo kasocda dhanka Itoobiya taasi oo la ogaaday in ay ahaayeen Maleeshiyaad Beesha QayaadEED ah oo Mushaar ka qaata Soomaaliland.

Ma ahan markii ugu horaysay ee maamaulka Soomaalilad iyo Taageerayaasha maamulka Soomaaliland ee Caalamka ay u isticmaalaan Beelaha Dhulbahante iyo Warsangali nidaamka Qaybi oo xukun ee ay isticmaali jireen Kaligitaliyaashii aduunka soo maray ee uu ugu horeeyay kaligi taliye Fircoon.

One Response to Dagaalkii shalay Saaxdheer oo lasheegay in ay Soomaaliland u isticmaashay nidaamka Qaybi oo xukun oo is ticmaalay Jifida Qayaad oo dhanka Ethiopia ka dhabarjabiyay Ciidamadii Khaatumo