Dahir Calasow oo Qaba In Golaha Wasiirada Hawiye Lagu Dulmay (Fallanqayn Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Dagaaladii sokeeye iyo maamul xumadii hogaamiyaashii Soomaalida soo maray ayaa waxaa soomaalidii ay ka qaadeen buufis iyo shaki aan dhammaad iyo dawo lahayn, hase yeeshee shakigaas waa mid Soomaali oo dhan ay ka midaysanyihiin oo qolo kastaa ay isku haystaan in iyagana la dulmay islamarkaana ay iyagu ceeb ka salliim yihiin.

Hase yeeshee dareenkaas shakiga qofkii uu hayo ma ahan wax lala yaabbo ee waa darreen ku dhacay soomaali meel ay jooggaan, oo qolo kasta qolada kale ayay ka baqayaan in ay siyaasadeeyaan oo waxaa qolo kasta ku jirta digtoonaan.

Hadaba Dahir Calasow ayaa qaba in Golaha wasiirada ee Xukuumadda Khayre ay beesha Hawiye ku dulmanyihiin.

Bal aan in yar eegno qoondada beesha Hawiye ee Xukuumadda Khayre iyo Farmaajo.

Raysalwasaaraha
Wasiirka Waxbarashada
Wasiirka Caafimaadka
Wasiirka Amniga
Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada
Wasiirka Warfaafinta
Wasiirka arimaha dibadda
Intaas waxaa u dheer Caasimaddii Soomaaliya oo Beesha Hawiye ay maamusho
Ciidankii qaranka.
Gudoomiye-yaashii degmooyinka muqdisho

Waxaa kaloo intaas u sii dheer in Madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo uu kasoo jeedo Galmudug isla markaana ay dad badan qabaan in beesha Madaxwaynaha lagu tiriyo walaalaha Galguduud ama beel xulufo hoose ay yihiin beesha Habargidir.

Waxaa kaloo intaas kusii maldahan in xubnaha siyaasiintaa ee kasoo jeeda beelaha Dir ay hab xulafaysi ku salaysan Irrism ay isku bahaystaan beelaha Hawiye dhanka siyaasadda.

Waxaa kaloo beesha Hawiye u Gooniya Maamulada Horshabeele Iyo Galmudug + Ahlusunna

Si kastaba ha ahaato hadana Cabashada iyo shakiga Daahir Calasow ma ahan mid lala yaabo ee waa buufis iyo tabasho ku dhacday dhammaan soomaali meel walba oo ay jooggaan oo ay sabab u ahayd hogaan xumadii iyo eexihii ay sameeyeen madaxdii hore ee masiirka umadda lagu aaminay

Waxaase hubbaala hogaamiyihii doonaya in uu caqabadahaas iyo shakiyadaas faraha badan jiiro ama ka gudbo waa in uu shakhsiga aqoontiisa iyo kartidiisa ku xushaa iyadoon laga tagayn shaxda awood qaybsi ee beelaha inta uu buufisku idlaanyo.

Waxaa kaloo muhiima in lakala saaro nidaam dawladeedka iyo shaxda wasiirada, waayo wasiir waa afhayeen wasaaradeed ee shaqada waa in agaasimo khibrad u leh uu kala socodsiiyaa isla markaasna aan awood loo siin wasiirka in uu agaasimaha shaqada ka cayrin karaa ama isagu keensan karo

Daawo muxuu ka yiri Dahir Calasow shaxdii dhanka awood qaybsi ee Golaha wasiirada

8 Responses to Dahir Calasow oo Qaba In Golaha Wasiirada Hawiye Lagu Dulmay (Fallanqayn Kooban)