Dalalka Soomaaliya Ku Xeeran oo Geed Dheer Iyo Mid Gaaban U fuulaya In Aynan Soomaaliya Ka Dhalan Xukuumad Shacabku Leeyahay (Akhri Maqaal Muhima)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Dhamaan dalalka Soomaaliya ku xeeran waxaa xukuma niman Kaligi talis ah oo xukunka dalka oo dhami gacanta uu ugu jiro, iyo kuwo shacabka la marin habaabiyo oo lowgu sheekeeyo waxaad leedihiin nidaam dimoqraadiyada oo doorasho shacabka lagu marin habaabinayo la qabto liikiin sida dhabtaa awoodda dalka waxay gacanta ugu jirtaa Madaxwaynaha iyo kooxyar oo la shaqaysata.

Haddii awoodda dawladda ee Soomaaliya ay gasho gacanta shacabka ama uu dalka Soomaaliya uu ka hirgalo nidaam sahcabku leeyahay oo lamida nidaamyada Dimoqraadiyadda ee dalalka reer Galbeedka, waxay Soomaalidu model u noqonayaan shacabka malaayiintaa ee ku xeeran dalalka Soomaaliya dariska la ah.

Dhanka kalena in awoodda dalka ay hal ruux gacanta ugu jirto waxay faa-iido u tahay dalka Marayka oo si dadban dunida u maamula, oo Maraykanka waxaa u fudud in uu dalka arrimihiisa kala xaajoodo hal ruux oo dalka awoodiisa ay gacanta ugu jirto.

Waxaa kaloo sidaas si le’eg taageera fikirka in awooddu hal ruux ay gacanta ugu jirto shirkadaha maafiyadaa ee booba dalalka soo koraya oo sifudud bay halkaas Madaxwayne ee awoodda badan u laaluushi karaan ama u marin habbaabin karaan oo wax walba uga dhamaysan karaan.

Dad badan baa u haysta in matalan Somaliland iyo Puntland ay dimoqraadiyad ka jirto, laakiin ninkii fikirkaas aaminsanaa waa nin aan waxba ogayn, waayo labada maamulba waxaa ka shaqeeya nidaamkii Joseph-stalin, runtiina Siilaanyo iyo Gaas iyagu eed kuma laha ee nidaamkaas ayay Madaxwayneyaal ku noqdeen.

Labada maamul nidaamka ka jira ayay dhamaan awoooddu Madaxwaynaha gacanta ugu jirtaa sida dalalka ay ka taliyaan kaligi taliyayaashu waxaana ay ahayd in nidaamkaas la badalo oo ay Golaha sharcidajiyayaashu ay xeerar cusub soo saaraan oo dastuurkan qaldan badalaan oo dastuurka iyo sharciyada ka dhigaann mid la mida kuwa dalalka ay awooddu shacabka gacanta ugu jirto.

Laakiin haddii la damco in hal xeer oo matalan waxyar la doonayo in sharci loo sameeyo, markaas qolada fikirkaas wataa waa in ay malaayiiin lacaga siiyaan xildhibaanada si xeerkaas umaddda u wanaagsanaan lahaa loo meel mariyo, taasi oo ka dhigaysa in aan wax xeera oo wanaagsan la samayn karin waayo yaa wanaaggii lacag ku dhiibaya, umaddii xumaantii un bay lacagta ku dhiibayaan, tan kale xildhibaankan yuu u shaqeeyaa ma calooshiisa mise umadda.

Isku soo duub in awoodda shacabka si tartiib tartiiba gacanta lowgu gasho waxaa ka soo horjeeda dalalka dariska, shirkadaha Maafiyadaa, dalaka waawayn ee sida dadban Soomaaliya u maamula.

Dhanka kalena waxaa aan arrinkaan uba warhayn shacabka 99%, waxaana kuu daliila waligaa ma arragtay laba qof oo is waydiinaysa.

Hoos ka akhri maqaal si fiican arrinka kuugu sharaxaya.

http://www.puntlandobserver.com/xukun-boobka-madaxda-soomaalida-iyo-doorka-ay-ku-leedahay-in-aan-dib-loo-hanan-qaran-soomaaliyeed-iyo-hanaan-maamul-wanaag-qaybta-2aad-mar-labaad/