Dalka iyo Waxbarashada

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Wararka |

dr-hasan-ali-mire

Dalka iyo Waxbarashada

1. Barashada aqoon iyo caqliguu, Eebbe nagu beerey

2. Waa buro sidaa ruuxii midkood, baal ka soo galaye

3. Waa sidii bahal-u-roor ninkaan, buugga loo qorine

4. Buuraha inuu jiiri karuu, badowgu moodaaye

5. Allow yaa inuu baadi yahay, ba’aha gaarsiiya!

6. Barashaa cilmigu leeyahoon, bawsad lagu gaadhin

7. Ee baaxaddii mool iyo ballaar, badaha dhaafsiisan

8. Aan baabbaco muggeed khalqigu, baad ka soo gurannin

9. Inaan baahi loo qabin ayuu, badowgu moodaaye

10. Allow yaa inuu baadi yahay, ba’aha gaarsiiya!

11. Isagoon baarka sare tegin, budulna soo jeexin

12. Bog qudha midkii soo bartay baan, laga badbaadayne

13. Waxna biirsan maayoo isagu, waa is bidayaaye

14. Inuusan biidna garannayn, badowgu waa mooge

15. Allow yaa inuu baadi yahay, ba’aha gaarsiiya!

16. Fagaaraha kolkii loo baxoo, la isu baanaayo

17. Bisayl wacan ayaa xaajada, lagu baxnaanshaaye

18. Oo waliba lagu sii bilaa, bilicda suugaane

19. Inuu balow u soo boodo buu, badowgu doortaaye

20. Allow yaa inuu baadi yahay, ba’aha gaarsiiya!

21. Dadaal buuran baa runtii, lagu bullaalaaye

22. Goortuu barkimo qaatayoo, uu barqadi seexdey

23. Bakayluhu orodkii rooryoo, diin ka badin waaye

24. Wasiir inuu bahaystuu waqiis, badowgu doonaaye

25. Allow yaa inuu baadi yahay, ba’aha gaarsiiya!

26. Bugto weeye jaahilnimadu, beelihii dumine

27. Haddii aan bareer loo burburin, baabba’ baa xigiye

28. Waxa lagu bogsiin karaana waa, baahinta aqoone

29. Inuubase baylah iska yahay, badowgu waa mooge

30. Allow yaa inuu baadi yahay, ba’aha gaarsiiya!

31. Quruumaha adduunkaa bilqani, waa bartamayaane

32. Kuwiise boorka looga tago, baqdhoos bay noqone

33. Haddii aan bulsho nool la mudin, baatul noqo weeye

34. Inuu baaqa roon gartaba, badowga loo diidye

35. Allow yaa inuu baadi yahay, ba’aha gaarsiiya!

36. Kol hadday midnimo baaqatoon, loo birmanahaynnin

37. Ee bahnimadii qoys dhammaan, la isku boogaadsho

38. Sow bi’iwaynnay dantii guud, lama billaaweeynnin!

39. Sow barwaaqo inaan raadinnaa, nagama beenoobin!

40. Sow anigu baroor iyo tolow, boohin kuma waarin!

41. Sow sida biciidkii ugaadh, gooni uma baydhin!

42. Sow bannaanka inaan iska maro, buugga kama dooran!

43. Sow ciilku ima boorinoo, bowdo ima gooynnin!

44. Sow ballankaan dhulkayga u galay, kama bixiwaayin!

45. Sow aniga baroor iyo tolow, boohin kuma waarin!

Dr Xasan Cali Mire 1986