Dallada Puntland ee Finland oo Helsinki kusoo dhaweysay xildhibaan Abdibarre Yusuf Jibril

Filed under: Wararka |

Dallada ururrada Puntland ee Finland oo maanta (7.4.2015) kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Vaanta Airiport xildhibaan kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya MP Abdibarre Jibriil ayaa waxaa wafdiga soo dhaweeyay horkacayay gudoomiyaha dallada ururrada Puntland ee Finland Mudane C/qani Axmed Ducaale iyo madaxa gudiga soo dhaweynta xildhibaanka mudane Hashim Xaaji Axmed Xirsi.

Xildhibaanka oo beryahaanba ku jiray socdaal uu ku kala bixinayay dalal katirsan waqooyiga qaaarada Yurub, si uu warbixino iyo wadatashi u la yeesho jaaliyadaha soomaaliyeed ee qurbajoogta ayaa socdaalkiisa Finland wuxuu ka danbeeyay casumaad ka helay dallada ururrada Puntland ee Finland.

Xildhibaanka ayaa dalka Finland booqasho ku joogi doono mudo 3 cisho ah, isagoo raba inuu la kulmo guud ahaan jaaliyada Soomaaliyeed iyo dowlada Finland iyo hayadaha daneeya siyaasada Soomaaliya.