Dambiilayaashii Ka Tirsanaa Ciidanka Badda Puntland ee Gabadha Ku Kufsaday Garacad Oo Lasoo Qabqabtay Maxkamadna Lasaarayo

Filed under: Important News,Wararka |

justice
Waxaa mar aan saas u fogayn lageeyay magaalada Garacad ciidamada Badda Puntland si ay u illaashaan magaalada.
Hase yeeshee askar ka trirsan ciidamada Badda Puntland ayaa gabar yar ku kufsaday magaalada Garacad ee ka tirsan Degmada Jariiban.
Arrinkaas waxaa aad uga carooday shacabka deegaanka, balse aakhirkii waxaa arrinkii lagu xaliyay in nimankii falka lagu tuhmay dhammaantood lasoo qabto oo si ku meelgaara xabsi lowgu sii hayo.
Dhanka kale waxaa magaalada Garacad gaaray Qaaligii maxkamadda Degmada Jariiban, waxaana go aan lagu gaaray in sharciga maxkamadda loo hogaansamo oo ciddii ay fal-damiyeed ku cadaato lagu qaado sharciga ay maxkamaddu soo jeediso.

Lasoco wixii ku saabsan maxkamadda lagu qaadayo qolooyinka lagu tuhmay inay fal damiyeedka gaysteen

Shacabka deegaanka Garacad ayaa waxay caan ku yihiin illaalinta deegaanka oo tusaale qofkii hal geed amar la’aan gooya waa la ganaaxaa, sidoo kale amar la aan qof ugaarta dili kara ma jirro, qofkii lagu qabtana waa la ciqaabaa, waxay kaloo shacabka deegaanku caan ku yihiin qofkii qof dila (gacan ku dhiigle) in inta lasoo qabto gacanta loo galliyo qoyskii iyo qaraabadii ruuxa la dillay, oo markaas ay qoyskaas geed ku xirtaan oo go’aan ka gaaraaan hadday ama dili lahaayeen ama mag ka qaadan lahaayeen gacan ku dhiiglaha –> Ujeedada ka danbaysa waa in deegaanku nabad galyo ahaado, waana deegaan nabadgalyadiisu ay tahay 100%.
Waxay kaloo shacabka deegaanka Garacad caan ku yihiin in ay soo saareen sharci lowgu magac daray illaasho qorigaaga keebkiisa oo tusaale haddii ay qorigaaga xabad si kama ah uga fakatay ay qof disho, lagaa akhrisan maayo waa iga fakatay xabaddu ee waxaa lagugu qaadayaa dambiga qofka qof si ula kaca u dillay oo waxaa la rabaa in uu qof kastaa illaashado qorigiisa, oo masuuliyad iska saaro

Waxay kalloo shacabka deegaanka Garacad caan ku yihiin sidii ay kooxihii alshaabaab ee kusoo duullay Garacad meel uga saoo wada jeesteen oo xukuumadda Puntland ula shaqeeyeen, taasina ay dhalisay guul si fudud looga guulaystay alshabaab, halka deegaano badan Alshabaab looga guulaysan la’yahay waayo waxaa alshabaab la shaqaynaya shacabka deegaanadaaas ay haystaan.

Source; Burhaan Cali Cabdille (Saxansaxo) Garacad

2 Responses to Dambiilayaashii Ka Tirsanaa Ciidanka Badda Puntland ee Gabadha Ku Kufsaday Garacad Oo Lasoo Qabqabtay Maxkamadna Lasaarayo