Damiirkii Soomaaliyeed Oo Dib Usoo Laabtay, Markii khilaafka Khaliijka Dhexdhexaad Laga Noqday

Filed under: Articles,Important News,Wararka |
  1. Sacuudigu wuxuu soo kiciyay nimankii wahaabiyada ahaa ee asalkoodu Soomaalida kasoo jeeday ama´Sacuudiga ha joogaan ama soomaaliya ee waxaa lagu qulqulayaa Muqdisho, si wasiirada cadaadis loo saaro baarlamaankana qas loo gasho oo sacuudiga loola safto.
  2. Soomaalida waxaa waydiinayaa qaska ka socda Ciraaq iyo Siiriya iyo Liibiya Iyo Yemen iyo Somaliya iyo Masar oo uu hadda qaraxu ka dhacayo, yaa waxaan ka danbeeya oo wada, yaase ka danbeeya Soomaalidaan waydiinaynaa.
  3. Mowqifkii dawladda Soomaaliyeed qaadatay waa mowqif muqadasa oo saliima, in ay arrintaas bariga dhexe ka socota ay dhexdhexaad ka noqdaan oo aynan dhexgallin.
  4. Maamul Gobaleedyada oo dhanna waxaa loo baahanyahay in ay daba istaagaan Dawladda Federaalka si aan daldaloolo looga hellin.
  5. Qofka Soomaaligaa ee maanta dhibaato abuura oo xagal daacis ku sameeya DFS, waa in loo arko in uu yahay khaa’inul wadan, waxaana loo baahanyahay in dhammaan awaamiirta DFS loo hogaansamo oo la daba istaago.
  6. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ha ogaato in uu dagaalkii alshabaab oo 10 jibaaran hadda billowday, wuxuuna dagaalkaas ka furan yahay masaajidada, iskuulaadka, dugsiyada quraanka, jaamacadaha, waayo dhammaan waxaa maamula nimankii wahaabiyada oo alshabaab gacansaar la leh.
  7. Bil Ramadaan baa lagu jiraa yaa ogol in dhibaato la abuuro, oo caruur iyo waalidkood lakala kaxeeyay oo xuduud la dhex dhigay, dad sooman in la cunaqabateeyo xaggee diinta islaamka kaga qorontahay oo xitaa bisha ramadaanka la xurmayn waayo, mana ahan in Soomaali arrimahaas la dhexgalliyo oo dhaqankooda iyo damiirkooda iyo diintooda lagu iibsado.

Fiira gaar ah.

Meel ay aduunka kaga qorantahay sharci muslim iyo sharci gaalo midna ma jirto, hebel baan nebcahay ee ila nebcow iyo hebel baan colaadinayaa ee ila colaadi, marka qiiqaas bariga dhexe waa in aan la dhexgallin

 

By Warsame Axmed

Qormadaan iyo arragtidaan waxay gaar u tahay Qaraagaas