Dastuurka DFS iyo Khilaafka Madaxwaynaha iyo Raysalwaraaha (Falanqayn muhim ah)

Filed under: Wararka |

Dastuurka DFS Shaqada waa uu u kala qaybiyay Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha, laakiin waxaad moodaa in aynan Soomaalidu aad u dhUUxin Micnaha Qodobka 90aad ee awoodda Madaxwaynaha.

Waxaana uu Qirayaa Qodobka 90aad in uu MadaxwaynuhA awoodiisu ku koobantahay dusha ka eeggid sadexda Gole ee Dawladdu ka koobantahay sida Golaha Shacabku marka uu sharci dajin sameeyo calashaan matalan sharci loo sameeyo arrimaha la xiriira qaabka wadada baabuurta lowgu ka xaynayo.

Madaxwaynuhu inta dhexfariisto Golaha baarlamaanka, ka doodi mayo qaabka sharciga loo samaynayo, balse awooddiisu waa in uu sharciga si cadaalada u eeggaa, haddii si sharciga waafaqsan arrinkaas loosoo qoray doorka arrinkaas ku leeyahay Madaxwaynuhu waa in uu saxiixaa sida dhammaan wadamada caalamka ee nidaamka Dimoqraadiyadda ku dhaqma.

Sidaa si le eg, arrimaha Garsoorka, Doorka Madaxwaynuhu waa in uu saxiixaa gabagabada hawsha marka Garsoorku soo dhamaystiro, laakiin Madaxwaynaha hawlihiisa ma ahan arrimaha Garsoorka, waayo waa mid kamida Sadexda hay-adood.

Sidoo kale arrimaha Hay-adda Fulinta Madaxwaynuhu wuxuu kaliya oo uu ku leeyahay in uu saxiixo, si lamid ah sida hay-adda Sharci dajinta ama hay-adda Garsoorka.

Laakiin waxaad mooddaa in Madaxwaynuhu aannu si fiican u fahmin Dastuurka oo aanu dhuuxin Qodobada hoose ee Awoodda Madaxwaynaha oo ay intooda badan ku qorontahay sida Qodobka 90aad firqadiisa e wuxuu dhigayaa (e) Madaxwaynuhu Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
ama Qodobkaan (f) Madaxwaynuhu Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo.
ama Qodobkan (j) Madaxwaynuhu Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo
Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.

Qodabadaaas kore waxaa ku cad in Madaxwaynuha shaqadiisu ay ku egtahay dusha ka waardiyayN sadexda Gole ee kala ah Sharcidajinta, Fulinta, iyo Garsoorka, oo Madaxwaynaha kaliya uu doorkiisu noqdaa saxiixid iyo dusha ka waardiyayn wixii sharciga wax u dhimaya.

LAAKIIN WAXAA MAANTA FADEEXAD WAYN KU AH IN UU DIIDAY ISKU SHAANDHAYNTII RAYSALWASAARAHA AMA MARKII UU RAYSAL WASAARUHU WASAARADDA GARSOORKA KA BADALEY WASIIR FAARAX, ARRINKAAS OO UU MADAXWAYNUHU UU SI BILAA XUSHMAD AMA AAN WAAFAQSANAYN DASTUURKII 10-KA MILLION EE SOOMAALIDA AY DHIGTEEN

HOOS KA EEG QODOBKA 90AAD OO DHAMAYSTIRAN
Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya:
(a) Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Deg degga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga
(b) waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.
(c) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,.
(d) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).
(e) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
(f) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo.
(g) Wuxuu furaa Golaha Shacabka.
(h) Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.
(i) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.
(j) Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo
Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.
(k) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha
Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.
(l) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha
Wasiirradu soo jeediyo.
(m) Wuxuu qaabilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.
(n) Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha Wasiirradu soo
jeediyo.
(o) Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan.
(p) In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeegga Garsoorka.
(q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Qodobka 100aad. Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:
(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;
(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;
(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.
(d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa.

dastuurkasoomaaliya


HALKAAN KA EEG Dastuurka-Somalia OO DHMANAYSTIRAN