Dastuurka Soomaaliya iyo Cidda Magacaabaysa Golaha Adeegga garsoorka (Akhri)

Filed under: Wararka |


Sida ku cad Qodabada hoose ee Dastuuriga ah, Golaha Garsoorku Madaxwayne ma magacaabi karo, wasiirna iskaba daa, wuxuuna ka kooban yahay sagaalka xubnood ee hoose Qodobka 109A.

Gudiga adeegga garsoorka wuxuu ka koobanyahay 9ka xubnood ee ka kala imanaya

1) Gudoomiyaha Maxkamadda Dustuurka (maxkamadaas wali Soomaaliya kama jirto). 2)Gudoomiyaha Maxkamadda sare.

3) Gudoomiyaha ururka garyaqaanada Soomaaliyeed ma ahan kaliya urur Muqdisha kajira.

4-5) Laba garyaqaan oo sare oo dabcan ay iska soo doorteen ururka garyaqaanada Soomaaliyeed ma ahan urur Garyaqaan oo Muqdosha kaliya ka howlgala 6) Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka dhamaan Soomaaliya.

7-8-9) Sadex qof oo laga soo xulayo ururada aan dawliga ahayn oo Sumacad sare Soomaalida dhexdeeda kuleh oo lagu yaqaan waxqabad wadaniyad, daacadnimo, iyo nooc kasta oo kartiyeed, Sadaxdaas ruux waa in ay Soomaaliya oo dhan kala matalaan ee ma ahan ururada Gobal gaara ka howl gala.

Doorka Madaxwaynaha waxaa qeexaya Qodobka 90aad farqaddiisa (10) Madaxwaynuhu Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare
iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga
Garsoorka ka dib.

Halkaas waxaa ka cad in ay awoodda Madaxwayuhu kaliya ku koobantahay saxiixid, taas oo la mid ah marka uu Baarlamaanku sharci laga soo dooday oo Baarlamaanku soo ansixiyay Madaxwaynaha loo keeno si uu saxiixo.

warbixin muhim ah Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ilka Xanaf oo ka hor yimid Qaabka loo maamuusay Shirkii garsoorka iyo Magacaabistii Xeer ilaaliyaha Qaranka oo aan Dastuuri ahayn (Dhwgeyso)

Qodobka 109A Golaha Adeegga Garsoorka ( Halkaan ka akhri Dastuurka oo dhamaystiran)

dastuurkasoomaaliya
(1) (1). Dastuurkani wuxuu asaasayaa Golaha Adeegga Garsoorka.
(2) (2). Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal xubnood, oo kala ah sida
soo socota:
(a) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka;
(b) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare
(c) Garyaqaanka Guud
(d) Laba Garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid
walba xilli afar sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen.
(e) Qofka Guddoomiyaha ka ah Guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo
(f) Saddex qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay
Golaha Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar
sannadood ah.
(3) Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorku waxay dhexdooda ka dooranayaan qof u noqda
Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka.
(4) Xubinta Golaha Adeegga Garsoorku waxay xilka hayn kartaa hal xilli oo shan sannadood ah,
oola cusbooneysiin karo mar keliya.
(5) Wixii Sharci ama qanuun ay sameystaan Golaha Adeegga Garsoorku), oo khuseeya anshax
marinta Garsoorayaasha heer Federaal, wuxuu sharcigaasi sidoo kale qabanayaa xubinta
Golaha Adeegga Garsoorka.
(6) Sida sharciga ama xeerkuba dhigayo, Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu:
(a) Magcaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee
Federaalka;
(b) Go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa;
(c) Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorkaa.

Qodobka 109B. Asaaska Maxkamadda Dastuurka

(1) Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan garsoore oo uu
ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare.
(2) Golaha Adeegga Garsoorku , waa in uu u magacaabaa Garsoore Maxkamadda Dastuurka qof
daacadnimo sare leh oo keliya, isla markaana si rasmi ah u bartay sharciga iyo Shareecada,
khaas ahaanna ku xeel dheer sharciga dastuurka.
(3) Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu u soo jeediyaa Golaha Shacabka qofka noqonaya
Garsoore Maxkamadda Dastuurka.
(4) Haddii Golaha Shacbigu ansixiyo magacii la soo jeediyay iyadoo la raacayo faqradda- (3) ee
Qodobkan, Madaxweynuhu waa in uu u magacaabaa qofkaa Garsoore Maxkamadda
Dastuurka.
(5) Dhexdooda, garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurku waxay ka dooranayaan Garsooraha
Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare.

Qodobka 109C. Awoodaha Maxkamadda Dastuurka

(1) Maxkamadda Dastuurku waay yeelaneysaa awoodahan u garrka ah:
(a) Marka uu codsi ka yimaaddo Xubin ka Mid ah Golaha Wasiirada, Guddi ka tirsan
aqalada Baarlamaanka midkood, ama toban Xubnood oo ka mid ah Aqalada
midkood,in ay Maxkamaddu qiimeyso qoraalka sharci la sameynayo, ayna
go’aansato in sharcigaasi waafaqsan yahay Dastuurka;
(b) In Maxkamaddu dhegeysato go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku
cad Qodobka 86aad,oo la xidhiidha muran ka dhashay sida xeer uu u waafaqsan
yahay dastuurka;
(c) In maxkamaddu dhegeysato, go’aanna ka gaadho kiis ka soo unkamay sida ku
cad faqradda Qodobeedka 109(2)(c) kaasoo khuseeya in dhinac uu hor keenay
maxkamad dood kiis macquul ah, kiiskaana loo gudbiyay Maxkamadda
Dastuurka si ay go’aan uga gaadho.)
(d) In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad
goboleedyada xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad
goboleedyada federaalka dhexdooda.
(e) In ay dhegeysato, go’aana ka gaadho Khilaafyada ka dhexeeya waaxaha
Dawladda federaalka ah ee la xidhiidha awoodaha dastuuriga ah iyo
waajibaadka ay kala leeyihiin; iyo
(f) In ay dhegesato, go’aana ka gaadho Marka la eego Qodobka 92aad (oo la
xidhiidha kiisaska denbiyada dastuur ee Madaxweynaha lagu soo oogo ee xil
ka qaadista keeni kara
(2) Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa go’aansan doonta taariikhda ay ka bilaabmi karto
hirgelinta marka la gaadho laguna dhawaaqayo in uu sharci yahay wax kama jiraan.
(a) Haddii sharci loo arko mid aan dastuuri ahayn, marka laga reebo sida ku cad a
faqradda (b) ee qaybtan, iyadoo xisaabtana lagu darsanayo saameynta ay ku
leedahay taariikhda uu sharcigaasu noqonayo wax kama jiraan, dadka
daneynaya arrinta iyo guud ahaan danaha bulshoba, waxay maxkamaddu
go’aansan kartaa in sharcigaasi uu yahay waxba kama jiraan ilaa markii la
sameeyay,ama taariikhda ka bilaabanta markii xukunku dhacay ama, si ay
haboon tahay marka wax kama jiraanimada sharcigu bilaabmayo, taariikh
mustaqbalka ah loo qabto.
(b) Haddii arrintu ku lug leedahay sharci dembiyeed,haddii in sharcigaa wax kama
jiraankiis laga bilaabo markii la sameeyay, haddii arrintaasi u faa’iideyneyso qof
lagu xukumay sharcigaa aan dastuuriga ahayni, waa in ay Maxkamadda
Dastuurka waqtigaa isaga ah ka soo bilowdaa wax kama jiraanimadiisa.