Dastuurkii ay maamulka Gobalada dhexe Ergooyinku ansixiyeen oo xuduudiisu ku egtahay Gobalka Nugaal

Filed under: Important News,Wararka |

Dastuurkii ay ansixiyeen ergooyinkii Samaynayay maamulkii Gobalada dhexe ayaa Qodabada ugu muhiimsan ee dastuurkaa ku jiray waxaa ka mid ahaa Xuduudda maamulka Gobalada dhexe, Caasimada, iyo astaanta Calanka iyo Magaca Maamul Gobaladeedka.

ergooyinka ayaa sheegay in ay Dastuurkoodu sheegayo in Xadka Maamulka Gobalada dhexe uu ku egyahay Gobalka Nugaal, Caasimaduna Tahay Dhuusamareeb, Magucuna yahay Galmudug.

Dad badan baa waxaa kasii yaabiyay sida wasiirka Arrimaha Gudaha oo kasoo jeeda Degmada Cadaado uu aadka ugu qancay Dastuurkaan la ansixintiisii.

Dagaaladiii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay ayaa intooda badan waxaa hormuud ka ahaa siyaasiyiin caada qaatayaal ah, waxaana ugu darnaa markii Marxuum Caydiid uu la wareegay Gacankuhaynta Magaalada Muqdisho uuna ku dhawaaqay in la gumaado Beesha Daarood hantidoodana la dhaco.

Xiligaas ayaa haddii Siyaasi indheergarada uu booskaas qabanlahaa uu badbaadinkaray Qarankii Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta maanta ka shaqaynaya in Beel Deegaankeeda nabad ku dagan deegaanadeeda la sheegto iyadoon ognahay in ay aynan maanta Soomaali dagaal waxba ku kala qaadayn, waxay caqabadda ugu wayn ku noqonaysaa DFS ee la dhoodhoobayay in ay hallis u gasho in lagu kala yaaco, maadaama uu wasiirkii dhamaa ee arriamaha Gudaha uuba hormuud kayahay in la burbirsho kalsoonidii shacabka oo beelihii kala aamin baxaan, iyo hurin dagaalo iyo colaad lagasii dhex abuurayo beelo deganaa meelo aan awalba nabadi ka jirin.

One Response to Dastuurkii ay maamulka Gobalada dhexe Ergooyinku ansixiyeen oo xuduudiisu ku egtahay Gobalka Nugaal