Dawaco iyo Waraabe [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub Baabaraqiis

Xasan Yacquub “Baabaraqiis”

 

Dawaco iyo Waraabe [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Dawaco ayaa beri beryaha ka mid ah adhi fara badan reero meel deggan ka cuni jirtey, adhigaas oo riyo iyo idaba lahaa. Maalintii dambe ayay reerihii isu yimaaddeen waxay ka wada arrinsadeen siday Dawacada dhibta badan iskaga dili lahaayeen.

Dadkii ayaa talo ku gaadhay in dabin Dawacada loo dhigo. Dawacadii waxay ku dhacday dabinkii loo dhigey. Waxaa Dawacadii lagu xidhey geed jiriddiisa, si looga aarsadana waxaa talo lagu gaadhay in dab lagu dhex rido. Dadkii baa qoryo aad u badan oo xaabo ah u soo gurtay. God aad u weyn oo laga qodey geedkii Dawacada lagu xidhey agtiisa ayaa xaabadii laga buuxshey. Markaas baa dadkii xaabadii dab ku huriyey oo isku wargeliyey, “Aynnu isaga tagno, oo marka dabku uu aad u shidmo ku soo noqonno oo Dawacada ku dhex tuurno.”

Waraabe aad u gaajaysan ayaa maqlay cidii Dawacada. Markaas ayuu soo orday oo is yidhi: “aad ka eryatid neefka ay maanta Dawacadu dilootey”. Waraabihii wuxuu u yimi iyadii oo geed ku xidhxidhan.

Intuu yaabay ayuu ku yidhi, “Naa Dayo, yaa geedka kugu xidhxidhey?”

Sayte: “Adeerkay ayaa igu xidhey.”

“Oo muxuu kuugu xidhey?” Waraabihii ayaa weyddiiyey.

Dayo ayaa ku warcelisey, “Adeerkay aad buu ii jecelyahay. Wuxuu arkay in aan caato ahay. Wuxuu markaa ii qalay wan weyn oo aad u buuran. Dabkaasna wankaas ayaa lagu karin doonaa. Aniguna waan diiddanahay in aan cuno wankaas buuran, waayo gaajo ima hayso oo maalmahan oo dhan ayaan hilib cunayay, oo waxaan ka cabsanayaa inaan caloolxanuun ka qaado. Markii aan damcay in aan ka tagana, intuu i soo qabtay ayuu geedkan igu xidhey oo khasab damcay in uu igu cunsiiyo. Markaan hilibkii cuni kari waayayna wuu i diley.”

Dhurwaagii ayaa intuu afka aad u kala qabtay, illayn waa wax hilib iyo baruur jecele, yidhi: “Ihi! ihi! ihi! Xadhigga ayaan kaa furayaaye, aniga geedka igu xidh, si aan hilibkaas u cuno adiguna uga nabadgasho.”

Markii dadkii kobtii Dawacadu ku xidhnayd ku soo noqdeen, si ay iyada dabka ugu dhex tuuraan, waxay u yimaaddeen Waraabe geedkii ku xidhan.

Dadkii ayaa intay ashqaraareen yidhi: “War Waraabe meedey Dawacadii?” Markaas ayuu yidhi, “Aniga ayaa xadhigii ka furay oo way tagtay.”

“Oo maxaad uga furtay?” ayay ku yidhaahdeen.

Dhurwaagii wuxuu ku jawaabay: “Waxay Dawacadu i tidhi, ‘aniga gaajo ima hayso, ee hilibka la ii keeni doono adigu cun.’”

Kolkaas ayay dadkii Waraabihii dabkii ku rideen.

Waxaa la wariyey in Dhurwaagii doqonnimada iyo hungurixumada isku darsaday uu qaabkaas ku dhintey.

Xasan Yacquub “Baabraqiis”

One Response to Dawaco iyo Waraabe [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]