Dawladda China Oo Bilowday In Ay Ganacsatada Puntland Kaluunka Qiima Fiican Uga Iibsato

Filed under: Important News,Wararka |

somali china music
warbixin si hoose P/O usoo gaartay ayaa sheegaysa in ay hadda Ganacsato reer Puntland ahi ay geeyaan kaluunka Soomaalia dalka China isla markaasna ganacsatada Soomaalida loo furay suuqa kaluunka ee China, waliba hadda kaluumaysatada Soomaalida qiima aad midkii hore uga fiican lagagala wareego iyagoo xeebta jooga.

Sanadihii hore ayaa waxaa Ganacsatada Soomaalida kaluunka ka iibsanjiray ganacsato hindi iyo yemen u badan oo iyaguna dalalka carabaha iyo Yurub usii iibgayn jiray.

Dalalka khaliijkaa ee lacagta badan ayaan marna ka iibsan ganacsatada Soomaalida kalluunka oo Soomaalida u furin suuqa kaluunka.
Dad badan baa is waydiinaya sababta Ganacsatada Soomaalidaa ee kalluunka ka ganacsata suuqa kalluunka looga xirtay maadaama ay Soomaaliya bad baaxad wayn leedahay oo haddii ganacsatda Soomaalidaaa suuqa kalluunka loo furi lahaa ay dad badan shaqo ka heli lahaayeen