Dawladda Fedaraalka ah iyo maamulka Puntalad si wadar usoo saarey war murtiyeed ka kooban qodobbo dhawr oo ay ku hishiiyeen

Filed under: Wararka |

Wafti ka socda Dawladda Fedaraalka oo maalmahaanba magaalada Garawe booqasho ku joogey, kuwaasoo hoggaaminayey Ra’isul-wasaaaraha Soomaaliye Cumar Cabdirshiid ayaa waxaa ay wada-xaajoood ballaaran yeesheen maamulka Puntland, kuwaasoo isku wada raacey Warmurtiyeed ka kooban todabo qodob, kaasoo u qornaa sidatan:

1: Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii hore loo galay.

Dowladda Federaalka iyo dowladda Puntland waxa ay isku afgarteen hirgalinta heshiiyadii horey ay labada dhinac u wada gaareen oo uu ugu danbeeyay heshiikii la wada galay 14-kii bishii octobar ee sanadkii hore ,si arintaas loo gaaro waxaa la magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya hirgalinta heshiisyadaas,waxaana la soo dhaweeyay wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

2: Shuruucda ay dowladda Federaalka ah soo saarto iyo samaynta guddiyada heer Qaran.

Waxaa la isku raacay in dowladaha xubnaha ka ah Federaalka lagala tashado xeerarka uu ansixiyo barlamaanka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa banaan sida uu qabo dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya qodobkiisa 111-aad faqraddiisa labaad .

3: Dhismaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhismaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaliya waxaana loo marayaa si waafaqsan dastuurka Federaalka ah ee

Soomaaliya.

4: U diyaar garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee dowladda Soomaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Sidii lagu heshiiyay shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Muqdisho lixdii bishii labaad ee sanadkan ,waxaa lagu qaban doonaa kulanka madasha wadatashiga madaxda sare magaalada Garowe bishan April ,waxaana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee horay la isugu waafaqay ay soo dhamaystiraan taaba galinta howlaha madasha heer qaran.

5: Dhismaha ciidan qaran oo umadda dhan u dhaxeeya.

Si loo dhiso ciidan qaran oo leh sumad qaran ,waxaa la isku afgartay in 300 oo askari loo qoondeeyo Puntland.

6: Dooorka Puntland iyo wada hadalada dowladda Federaalka ah iyo maamulka Somaliland.

Waxaa la soo dhaweeyay sida dowladda Soomaaliya u maamulayso wada hadalka lagula jiro maamulka Somaliland iyo mowqifka ay dowladdu iska taagtay wada hadaladii ugu danbeeyay.

7: Iskaashiga hay’adaha dowladda Federaalka ah iyo dowladda Puntland

Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in ay si toos ah iskaashi iyo wada shaqayn buuxda uga yeeshaan dhinacyada dastuurka ,qaybsiga deeqaha caalamiga ah, waxbarashada, iskaashiga qorshaha qaranka ,siyaasadda iyo isgaarsiinta qaranka.

Ugu danbayn , Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ,waxaana la sheegay in la isku afgartay dhamaan wada hadaladii ay labada dhinac yeeheen.