Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay soo dhawaynayaan hadalkii uu dhawaan ku baaqay Cali Khaliif Galaydh

Filed under: Important News,Wararka |

Hargaysa (Somaliland.Org): Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay soo dhawaynayaan hadalkii uu dhawaan ku baaqay hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo sheegay in uu wada hadal toos ah la gelayo Somaliland, isla markaana ay yihiin dad khariidad iyo dalba wadaaga.

Sidaasina waxa shaaca ka qaaday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, waxaanu sheeay in Somaliland ay aad u soo dhawaynayso in ay wada hadal la yeelato Cali Khaliif, isla markaana wixii tabashooyin ah ee jira lagu dhameeyo is-afgarad.

Waxa uu tilmaamay Baashe in ay jireen wada hadallo qarsoodi ahaa oo hore u dhex maray xubno ka socday maamulka Khaatumo iyo Somaliland isla markaana hadda la gaadhay wakhtigii ay labadda dhianc yeelan lahaayeen wada hadallo toos ah.

Baashe Maxamed Faarax, waxa uu intaas ku daray in aan weli si rasmi la iskula qaadan goorta iyo meesha ay wada hadaladu ka qabsoomayaan hase yeeshee la isla qaatay in sida ugu dhakhsaha badan ay wadahadaladu u bilaabmaan. isagoo xusay in ay jiraan guddi ay Somaliland u saartay in ay wadahadaladaasi u metelaan.

md. Baashe, oo ka hadlayay sida ay Somaliland u arkaan dhinacoodda wadahadalka uu Cali Khaliif ku baaqay, waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, in wadahadal lala gallo Cali Khaliif Galaydh, oo wixii tabasho ah ee jirtay lagu dhameeyo wada adal iyo is-afgarad, waana tallaabo fiican. Somaliland waa la ogaa oo wakhti hore ayaa madaxweynuhu gogol nabadeed u fidiyay. markaa aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay haddii ay iyaguna qoladda Khaatumo soo dhaweeyeen in la wadda hadlo, Somaliland-na diyaar ayay u tahay inay wada hadalka ka qaybgasho.

Wakhti dhawayd ayaa la goostay in lala hadlo qoladda Khaatumo, wada hadaladuna way socdaan, laakiin wakhtigii iyo balantii ayaan weli la qaban. Xaggan Somaliland-na gudi ayaa loo saarayaa wada hadaladda ka qaybgasha, laakiin weli in mudadii la qabto ayaa hadhsan. Markaa wada hadalkii halkana wuu ka socdaa u diyaar garowgiisu, wuxuun baa la isla sugayay sidii la isku qabili lahaa.
Waxay ahayd in ay mar horeba wada hadaladu bilaabmaan waa la is-dhafdhaafay ciidii Ramadaan ka dib inay wada hadaladu bilaabmaan ayaanu filaynay, laakiin raggii xidhiidhku noo socday ayay qaar kala maq-maqnaayeen”.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo aanu waydiinay sababta keentay wakhtigan in Cali Galaydh soo dabco, iyadoo hore loo ogaa halka uu ka taagnaa arrimaha Somaliland iyo gooni isku taageeda, waxa uu ku jawaabay “Waxani waa iska siyaasad oo marba meel ayay taagna tahay, markaa waxaa loo qaadan karaa, waa wada hadaladii hore ee socday inuu soo dhawaaday wakhtii la wada hadli lahaa. Waa siyaasi, siyaasiguna, anigu ku odhan maayo waxaas ayaa ku dhaliyay. Mar haddii uu isagu soo dhaweeyay, Somaliland-na way soo dhawaynaysaa, wda hadalkaasi horena wuu u socday hadana waxaanu rejaynaynaa in ay wakhti dhaw wada hadalku uu bilaabmo”
Waxa kale oo aanu waydiinay Baashe Maxamed Faarax, waxa ka jira warar sheegaya in wada hadaladani ay ka qabsoomayaan magaaladda Addis Ababa, isla markaana ay qayb ka tahay dhexdhexaadinta dawladda Itoobiya waxaanu yidhi “Maya, maya, wada hadalku weli wakhti iyo meel la qorsheeyay in lagu qabto midna ma leh.

Marka lagu heshiiyo meesha lagu wada hadlayo iyo tiradda dadka ka qaybgalaya, marka hore waxaa la qorsheeyay inay dad koobani is-arkaan ayaa la qorsheeyay. Laakiin faahfaahintu waxay tahay meesha lagu wada hadlayo inay Addis ababa noqon doonto iyo inay Nairobi noqond oonto, weli lama oga, meel kasta oo ay yidhaahdaan way suurto-gelaysaa Somaliland diyaar ayay u tahay. Laakiin wax dawladda Itoobiya ku dhex jirtay maaha ee waa wax ka yimid madaxweynaha Somaliland in wada hadalka la bilaabo”.

Sidoo kale mar la waydiiyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda in wada hadaladii hore ee dhex maray Somaliland iyo Khaatumo in si fool-ka fool ah ay ula kulmeen Cali Khaliif laf ahaantiisa iyo in kale waxa uu ku jawaabay “Waxaanu hore ula kulanay xubno kale oo aan Cali ahan, laakiin raga waaweyn ee Khaatumo ka mid ah, ayaa wada hadalku noo bilaabmay, waxaananu rejaynaynaa in wada hadaladan hadda Cali Khaliif iyo rag kaleba ay ka soo qaybgalaan” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Abuuritaankii maamulka Khaatumo oo uu lahaa Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa waxyaabaha uu ku doodo inay keentay samaynta Khaatumo, waxaa ka mid ah in Somaliland aanay wax mashaariic horumarineed ah ka hirgelinin degaamadda Sool, isla markaana uu isagu u raadinayo bulshadda Sool xaqoodda.

Hadaba doodad noocaasi ah ee uu qabo Cali Galaydh haddii la yimaaddo maxay ku qancinaysaa Somaliland. Baashe Maxamed Faarax oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wada hadalkani wax shuruuc ahi kuma xidhna, waxaana lagu balaamay in bilaa shuruud wada hadaladu ku bilaabmaan, dee qolo waliba waxa ay la imanayso iyada ayay u tallaa. Laakiin Somaliland wada hadalka way soo dhawaynaysaa, waana wax ay weligeedba raadinaysay, inay umaddeeda wixii wax tabanaya wada hadal iyo is-afgarad ku dhamays laakiin colaad iyo dagaal uusan cidnaba waxba taraynin waanad ogaydeen oo wakhti badan ayaa madaxweynaha Somaliland uu sidaas u soo jeedinayay”.

Source http://www.somaliland.org/2015/09/14/wada-hadalkani-wax-shuruud-ahi-kuma-xidhna-waxa-lagu-balamay-in-bilaa-shuruud-ku-bilaabmaan/ Somaliland.Org/Hargeysa