Dawladda Soomaaliya iyo Puntland oo uu shir uga Furmay Garoowe

Filed under: Wararka |

Shir wada tashi ah oo u dhexeeya Dawlada Federaalka iyo Puntland ayaa maanta oo Sabi ah ka furmay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas”,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar,Guddoomiyaha Baarlamanka Siciid Xassan Shire,Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan Puntland iyo Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirka looga hadli doono hirgalinta heshiisyada ay horay u wada gaareen Puntland iyo Federaalka iyo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka,waxaana uu xusay in macne wayn aysan ku dhisnayn Warqado la kala saxiixdo ee loo baahan yahay in la hirgaliyo heshiiska la wada gaaray.

”Puntland Mas’uuliyad gaar ah ayaa ka saaran sida ay Dawladu u shaqaynayso iyo sida ay u soconayso,waa Mas’uuliyad waajiab ah innaan marwalba eegno inaysan Dawladu Liicin,aragtiyo kala duwan ayaa la qabaa taasa keentayn in markasta la isu yimaado”Ayuui yiri Madaxweynaha Puntland.

Dr. Gaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay Marayso Marxlad adag oo u baahan in wax la iska waydiiyo,wuxuu sheegay in xaalada la marayso ay u baahan tahay ka warhayn joogto ah.

”Haddii isafgarad iyo Soomaalinimo ay ku wada shaqeeyaan Federaalka iyo Dawladaha ka tirsan waxaa ka gaaraya wanaag iyo hormar”Ayuu yiri.

Mar uu ka hadlayay Waxka badal lagu sameeyay Dastuurka Soomaaliya ayaa wuxuu yiri‘’…Puntland waxay aaminsan tahay in Dastuurka ay ku socoto fagasho tira badan,waa in Dastuurka fagashadda laga daayo,waxa la badalo waa inay noqdaan wax la isku og yahay’’Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland,Waxa lagu heshiiyay waa Dastuurka,waa in cid gaar ah aysan badalin Dastuurka oo aysan ugala soo bixin Maslaxadeeda,Dastuurka waa in la illaaliya,haddii dhibaato ay ka timaado Mas’uuliyadda cid baa qaadi doonta’’.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay shirka ayaa rajo wannaagsan ka muujiyay in in natiijo wannaagsan laga gaari doono wada hadalada Puntland iyo Federaalkan uga furmay Garowe.

markii uu shirku furmay ayaa laba dhinac ay iska xuleen Guddiyo loo xilsaaray wada hadalada labada dhinac oo shirkooda uu ka socdo Xarunta Wasaaradda Caafimaadka,waxaana marka uu shirku soo dhamaaso laso saari doona qodobo ku saabsan natiijada shirka.