Dayaxa iyo Hooyadiisa

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

moon-and-her-mother

Dayaxa iyo Hooyadiisa

Dayaxa ayaa maalin maalmaha ka mid ah Hooyadiisa ka baryay in ay toob u sameeyso.

“Maandhow, sidee arrinkaasi suurtaggal ku yahay?” ayay Hooyo ku warcelidey; “Ma jiro cabbir adiga ku le’eg oo kuu geli kara. Kol Bil Cusub baad tahay; kolna Bil Shan iyo Tobnaad ah baad tahay; inta u dhexeeysana keer iyo koo midna ma aad tihid.”

Si hadafyadaada uga salgaadho noqo mid ku adadag oo feker qudha leh

AESOP