Deeganada SSC siyaasadooda oo xal loo hello waa kala bar xalka Soomaaliya (Maqaal)

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Deeganada SSC siyaasadooda oo xal loo hello waa kala bar xalka Soomaaliya (Maqaal)

Inta ay Soomaali xal kasugayaan Siyaasiyiin aan badnayn oo sixran oo hadda dantooda mooyee aan dan Soomaaliyeed
u jeedin Soomaaliya wax xal ah ha ka sugin.

Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn oo aan xal loo helin sidoo kale haka sugin in xal loo hello mushkiladda Soomaalida.

Haddii shacabka Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn ay si daacada isaga Xulaan dad ay soo baareen oo daacadnimo lagu yaqaan,
isla markaana ay ku biiriyaan Odayaasha dhaqanka shacabkuna la shaqeeyaan, waxaa calaa aqali soo dhawaan lahaa deegaanadaas oo
xal loo hello.

Soomaaliland iyo Puntland markaan waxaa wanaagsan in ay xaqiiqda il gooniya ku eeggaan, sidoo kale Beelaha Isaaq iyo Daarood waxaa
wanaagsan in ay miiska wada hadalka soo fariistaan oo si daacada Mustaqbalka asalkaa uga wada hadlaan.

Bil xaqiiqiyan hadda Beesha Warsangali deegaanadeedu waxay si toosa uga midyihiin Puntland waxaana wanaagsan in markasta si daacada dadka deegaanka looga qaado afti ay markaas iyagu go aan ka gaarayaan dhanka ay maamul la wadaagayaan iyo haddii ay gooni isu taagaaan oo si daacada cod looga qaado, kolaba dhulka Soomaali baa iska leh Soomaalina waa hal beel dhulkuna waa dhul Soomaaliyeed

Haddii xaqiiqda aan la iska indhatirayn deegaanadaas shacabka degan waxaa wanaagsan in cod laga qaado, isla markaana haddii ay doonayaan
in ay dhistaan maamul Gobaleed u gooniya in lagu garab istaago oo lagu caawiyo sidii ay Maamul Gobaleedkaas u goonidaa u dhisan lahayeen.

Dadka laakiin dhisayaa waa in ay noqdaan awood shacab, oo matalan dib ay isugu noqdaan shacabka deegaanadaas oo sifiican u qorsheeyaan
sidii ay u xulan lahaayeen ashkhaastii iyo nidaamkii daacadda ahaa ee ay Maamulkaas ku dhisan lahaayeen.

Bil xaqiiqiyan Soomaaliland iyo Puntland labada xal bay u ahaanlahaayeen waxwalba oo umaddu ay heshiis ku tahay.
Dhulka Soomaalidu Guuri maayo waxaana wanaagsan in aan mushkilad loo arag maamul Gobaleed ka madaxbanaan Puntland iyo Soomaaliland
oo deegaanadaas ka hirgala.

Maamulka uu hadda oday Galayr hor boodayo waxaa wanaagsan in oday Galayr qudhiisu uu daacad noqdo oo uu ku wareejiyo maamulkaas shacabka.

Dib kala soco qaybaha danbe ee arrinkaan
Puntlandobserver Desk

One Response to Deeganada SSC siyaasadooda oo xal loo hello waa kala bar xalka Soomaaliya (Maqaal)

  1. Pingback: Falanqayn Siyaasadaha Ku Xeeran Gobalada Sool, Sanaag-bari iyo Cayn(Buuhoodle) (Qormo Muhim Ah) | Puntland Observer