Deg Deg: Maxkamadda sare ee Ximan iyo Xeeb oo Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kuxukuntay 35,000$ oo ay dhunsadeen in ay dib u bixyaan (Waa markii ugu horeysay ee abid Soomaali iskala xisaabtameen dadkii ay masuuliyadda u dhiibteen)

Filed under: Wararka |

Maxkamadda sare ee Ximan iyo Xeeb ayaa xukun kuriday Madaxdii ugu saraysay maamulkii Ximan iyo xeeb, kadib markii lagu soo eedeeyay in ay lacago gaaraya illaa 70,000$ dhunsadeen.

In mudo ah ayaa waxaa Maxkamadda Ximan iyo Xeeb kasocday Dacwad ay soo gudbiyeen
xubno katirsan Baarlamaanka Ximan iyo Xeeb.

Maxkamadaas ayaa in mudo ahba kasocotay magaalada Cadaado taasoo lagu soo eedeeyay
in maamulka ximan iyo xeeb ay dhunsadeen maaliyad dhan 70 000$.

laakiin maalintii Jimcada baaritaan dheer waxaa lagu xukumay in ay soo celiyaan 35000$
Xukunkaan ayaa maanta dhacay, wuxuuna ka dhacay Maxkamadda sare ee Ximan iyo Xeeb

Xubnaha ugu sareeya ee eedaan lagu dacweeyay ayaa kala ah

Madaxwaynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex
Madaxwayne kuxigeenka Gaashaanle Sare Cabdi Maxamed Axmed Nuur

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Sahal Cali Cumar

Gudoomiyaha Baarlmaaanka Cabdullaahi Faarax Sandheere
Gudoomiye kuxigeen Baarlamaanka Daahir Xirsi Daahir Coon

Sida kucad xeerka Ximan iyo Xeeb, waxay dhuminayaan Masuuliyada maamulka oo ay xilka kuwayn doonaan.

Xukunkaan ka dhacay Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa u noqonaya Soomaali meel ay joogaanba tusaale aad u wanaagsan oo lagu daydo.

Arrinkan oo ka dhigaya Dibiga Gawrac wanku haku quusqaatee calashaan Ruuxuu feer mara Dastuurkii umadaan ku heshiiyeen in sidaas Maamulka Ximan iyo Xeeb oo kale Maxkamad loosoo saari doono.

One Response to Deg Deg: Maxkamadda sare ee Ximan iyo Xeeb oo Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kuxukuntay 35,000$ oo ay dhunsadeen in ay dib u bixyaan (Waa markii ugu horeysay ee abid Soomaali iskala xisaabtameen dadkii ay masuuliyadda u dhiibteen)