Degmada Baargaal:Musharax Abuukar Indhacade Oo U sharaxan Xildhibaanada Puntland ee 2019 (Sawirro)

Filed under: Important News,Wararka |

Baargaal-map
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02/02/2018 munaasibad sare oo uu
musharaxnimadiisa ku shaacinaayo ku qabtay Magaalada Boosaaso ee
xarunta Gobolka Bari Gudoomiyaha Degmada Baargaal Musharax Abuukar
Indhacade oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xildhibaanimada
Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ee dawlad goboleedka Puntland
Doorashada 2019

Musharax Abuukar indhacade oo xafladiisa maanta ay ka soo qaybgaleen
dhamaan waxgaradka , cuqaasha dhalinyarada , ganacsatada iyo
salaadiinta deegaanka iyo marti sharaf kale oo badan ayaa waxaa uu
halkaasi kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xildhibaanimada
Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ee barlamaanka puntland ee
sanadka 2019 haduu eebe idmo

Musharax Abuukar indhacade ayaa marti sharaftii ka soo qayb gashay
xaflada uga warbixiyay qorshihiisa waxqabad hadii uu ku guulaysto
xubinta xildhibaanka asagoo sheegay marka hore inuu ku shaqayn doono
si mutadawacnimo ah uu musharkiisa ugu deeeqayo horumarka Degmada
Baargaal iyo degaanada ku xeeran

wuxuu intaasi ku daray in deegaanka uu ka jiro horumar la’aan oo ay
sabab u tahay xildhibaanada deegaanka matala oo aan ka warqabin
deegaanka asaguna uu dabeecadaas badali doono inshalaah

wuxuu intaasi ku daray musharax abuukar indhacade inuu deegaanku u
baahan yahay xildhibaan fahmi kara duruufaha haysta deegaanka , asagoo
ku daray ka shakhsi ahaan intuu gudoomiyaha degmada Baargaal ahaa oo
hada wali yahay uu arkay wax yaabo badan oo u baahan in wax laga qabto
uuna arimahaasi la hortagi doono madaxda dalka oo uusan la ganban
doonin hadana u sii sheegayo

ugu danbayntii wuxuu yiri musharax abuukar indhacade ” Waxaan ka
codsanayaa dadwaynahaa ka soo jeedaa degaanka inay Igu taageeraan
sidaan ugu guulaysan lahaa xilkaas.

sidoo kale waxaa madasha khudbado ka jeediyay qaar kamid ah marti
sharaftii ka soo qayb gashay munaasibada oo dhamaan isku raacay in loo
baahanyahy isbadel , iyo xildhibaan dal joog ah oo ganacsi iyo hanti
ku leh deegaanka dareemi karana waxa ka jira deegaanka la dhex nool
bulshada uu mataalaayo muddana maamulkooda ku soo dhex jiray ,
sifooyinkaas oo ay sheegeen in uu leeyahay musharax Abuukar indhacade
ayagoo sheegay inay ku taagerrayaan xilkaas culus ee uu istaagay
ilaahna uga baryayaan inuu u fududeeyyo haduu ku guulaysto
e2

e3

e4

e5

e6

e7

e10

e11

e14

ee