Dekadda Berbera Nimanka Soomaaliya Qabsaday Oo Soo Huwaday Shaar Imaaraadka Ayaa Saldhig Ka samaystay (Qormo gaaban )

Filed under: Important News,Wararka |

Inta badan waxaa la aaminsanyahay in Soomaaliya la qabsaday iyadoo shaarar badan loosoo huwado.
Qofkii caqli leh waa dareemi karaa in imaaraadka aynan lahayn awoodda ay saldhig milarari ku iibsadaan ee maxaa dadka loo waalaa.

Qolooyinka na jaahwareeriya ee Soomaaliya mar hore qabsaday may shaararkaan tirada badan ee ay noosoo huwanayaan naga daayaan oo dalkaas toos u qabsadaan.

1991 markii Soomaaliya la burburiayay waxaa diyaar u ahaa mashruucii Faanoole, Mashruucii batroolka, mashruucii kalluumaysiga, mashaariicdii warashadaha iyo beeraha, mashaariicdii saldhigyada militery ee lacagta badan laga qaadan jiray.

Waxaase aad mooddoo in dhammaan mashaariicdaas la doonayo in la boobo iyadoo shaarar badan lasoo huwanayo oo noocyo badan oo uu ugu xanuun badan yahay hogaan dalka la keensado oo muddo laga soo shaqaynayay.

Waxaanad arkaysaa dhibaatooyinkaan badan ee soomaaliya ka taagan in ay gadaal ka maal gallinayaan gacmo shisheeye oo qarsoon, marba shaar so huwanayo, shaar hogaamiye kooxeed, shaar dalalka dariska, shaar dalalka carabta, shaar alshabaab, shaar amisom, shaar hogaan lasoo gamay, waa na waaleen, waxaa naloo qaatay iyagoo dalka xoog ku qabsada, waxaa ka xun shaarkaan aadan garanayn cidda maalgallinaysa.

Dooddii waalayd iyo sharci daradii Soomaaliya waashay ayaa hadda dhanka saxaafadda carabta aad ugu badatay.
Saxaafadda carabta ayaa baryahaan aad uga dooda sharci ahaanshaha in Imaarku ay dekadda berbera kala xaalikaraan Somaliland oo qura iyadoo aan lasoo marayn DFS.

Dunida ayaa waxaa ka jira sharciyo, sharciyan waxaa la aqoonsanyahay DFS, laakiin qolooyinka soomaaliya qabsaday ayaa sharciga ka dhiga lajiifiyaana banaan, oo markii ay Soomaaliya yimaadaan shirkado aan loo baahnayn gaar ahayn kuwa China ama Ruushka shuruud looga dhigo in ay dawladda dhexe soo maraan haddii loo baahdana aanba dawladda dhexe loo baahnayn, ugu danbayna waxaaba dalka mar hore la keensaday madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa DFS.
Marka dalkaan bari horaa la qabsaday ee way na jaahwareeriyeen, waxaa naloo qaatay iyagoo toos dalkaan u qabsada, hadda waxay nagu waaleen boqol shaar oo lasoo huwanayo