Demoqraadiyad waa runta oo la isku sheeggo ee ma la gaaray xiligii reer galbeedka runta loo sheegi lahaa

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Nidaamka Dimoqraadiyadda ee reer Galbeedka nooga yimid waxaa bundhig u ah Saxaafad xor ah oo micnaheedu yahay in Runta loo sheeggo ruux walba oo wax maldahaya oo wado qaldan wax u wada.

Taa micnaheedu ma ahan in reer Galbeedka la diidanyahay oo maanta Soomaali malaayiina ayaa dalalka reer Galbeedka ku nool oo Soomaali iyo Reer Galbeed meelna kala aadi mayaan, laakiin waa in aan laga baqan ee marka ay na siyaasadaynayaan runta loo sheego.

Saxaafadda Xortaa awgeed aynan cidna wax uga qaban karin niman caana oo dawladda Obama ku mucaarada oo hadana Taleefishanada aduunka fikirkooda siday ula muuqato uga hadla iyagoo joogga Newyork, waayo dhanka kalena waxaa iyana xora Tv-yada muxaafadkaa in ay ka jawaabaan hadaladaas haddii ay cadayn dhaba hayaan.

Marka amay habboontahay in reer Galbeedka la waydiiyo dalalka soo koraya ma ladoonaysaan nidaam dimoqraadiyadeed oo xukunka ay maamulaan shacabku mise waxaad la doonaysaan Nin reer Galbeedka u shaqeeya oo kaligi Taliye ah oo hadana dadka lowgu sheekeeyo doorashaa jirta, oo kuraasta loo iibsho sida Ethiopia, ama Dalalka Khaliijka.

Taageeriddii ay beesha caalamka 4.5 taageertay farwayn baa ku godan, waxaana cad in ladoonayo in aynan Soomaaliya nidaam Dimoqraadiyad u eg aannu ka unkamin ee ay dalka maamulaan niman kaligi talis ah oo markaas accountable u ah Reer Galbeedka ee aan shacabkooda accountable u ahayn.

Mida kale in Reer Galbeedka runta loo sheego oo la yiraahdo Alshabaab iyo Amisom waa midi laba afle ah oo aad doonaysaan in aad nagu boobtaan ee waan idin fahanay hadda khiyaamadaas waa noo cadaan ee naga daaya.

Shalay waxaad arkayseen Ciidamada Kenya Amisom oo meel 30 km Kismaayo u jirta usoo baneeyay Alshaab, waxaana ay dad badan ay aad isku waydiinayaan markii ay Ciidamada Ethiopia ee Amisom ay kismaayo yimaadeen maxaa soo kordhiyay Awoodda Alshaab, dad badan baa qaba fii shei.

Isku soo duub ruuxa walaalkaaya u hiili marwalba markuu qaldan yahay u hiili oo ha kabaqan ee u sheeg runta iyo qaladka isagay u wanaagsantahay in runta loo sheego si uu qaladkiisa u saxo.

Marka hadda haddii ay reer Galbeedku dadka oran jireen waxaan taageernaa Dimoqraadiyad amay haboontahay in la runta loo sheego oo la yiraahdo Dimoqraadiyaddii idinkaa naga hortaagan, ee xaggee aadnaa.