DFS iyo Maamul Gobaleedyadu sidee ayay dhaqaalaha u qaybsan karaan (Warbixin Kooban)

Filed under: Wararka |

Haddii Dastuurka Soomaaliya uu qorayo in ay Soomaaliya noqotay Dawlad Dederaal ah, Caqabadda hadda ugu mugga wayn waxay noqon doontaa sidii wada xisaabtan dhab ah loo samayn lahaa marka hore, iyo markaas ka dib sidii dhaqaalaha ay u wadaagi lahaayeen Dawladda dhexe ee Federaaalkaa iyo Dawladaha ay ka koobnaan doonto dawladda dhexe.

Waxaa ugu fudud iyadoo layiraahdo, Sadex Meelood oo meel 1/3 Dhamaan Canshuuraha usoo xarooda maamul Gobaleedyada waxaa maamulöaysa Dawladda dhexe, wuxuuna ku dhacayaa akoonka Dawladda dhexe.

Laakiin waa in marka hore waxyaalo badan meel wanaagsan la isla dhiggaa

1) Caasimadda halka ay ahaanayso, haddii ay xitaa Muqdisho sii ahaanayso waa in Shuruudo adag la raaciyaa oo aynan Caasimaddu noqon meel Qolo gooniya ku amar ku taaglayso.

Waxaa ugu wanaagsan hadda in Caasimaddu ay ahaato wareegto oo 4tii sanaba ay meel u guurto, dhowr magaalo oo la isla ogyahay in ay afartii sanaba meel sii ahaato, sida Hargeysa ( Waa haddii ay beesha reer shiikh isxaaq ogalaadaan in ay Federaalka Soomaaliyeed kasii mid ahadaan) Baydhabo, Kismaayo, Garoowe, Muqdisho, inta Soomaalida kalsoonideedu kasoo noqonayso, markaas kadibna Magaalo cusub hadda iyo kow loo aas aaso in ay Caasimadda mustaqbalka noqoto, waa haddii xalwaara oo Soomaaliyeed la doonayo

2) Qudheeda in si dadban la iskula ogaado awood qaybsiga, oo xitaa qudheeda meerto laga dhigo, oo xitaa la yiraahdo 4tii sanabo Qolo ha iska soo doorato Madaxwaynaha inta kalsoonida laga soo celinayo, Raysal wasaaraha Gooni haloosoo doorto isna oo Qudhiisa meerto halaga dhigo.

Dhamaan dhankastoy noqoto waa in uu jiraa wada xisaabtan dhaba, waa markaas marka uu Qofwalba si niyad ah kusoo xaraynayo Dhaqaalaha Dawladda dhexe ee lagu wada kalsoonyahay, hadiise aan kalsooni lahelin waa adkaanaysaa in 1/3 dhaqaalaha Maamul Gobaleedyada lagu soo xareeyo khasnada akoonka dawladda dhexe.

waana adkaanaysaaa in mardanbe la helo Qaran soomaaliyeed, marka laga reebo Qaran hoos yimaada Amisom.

Halkaan ka eeg sida Dawaldaha Federaalka Jarmalkan iyo Dawladaha ka tirsan ay u qaybsadaan Dakhliga soo xarooda

Halkaan ka eeg sida Dawaldaha Federaalka ee Jarmalka iyo Dawladaha ka tirsan ay u qaybsadaan Dakhliga soo xarooda

One Response to DFS iyo Maamul Gobaleedyadu sidee ayay dhaqaalaha u qaybsan karaan (Warbixin Kooban)