Dhagaeyso Madaxwayne Gaas oo Sheegay in Qaadashada Shaqaalaha Puntland lagu qaadan doono tartan

Filed under: Wararka |

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa shalay markii uu ka qayb gallay shirkii Golaha Xukuumadda ee Wiiglaha ahaa wuxuu dhagaystay Gudiyadii shaqooyinka kala duwan loo igmaday wax qabadkoodii.

Dhanka kalena Madaxwaynaha ayaa cadeeyay in Xukuumadiisa ay ka go’antahay in Bulshada Puntland ay helaan Nidaam Cadaalad xeer iyo xisaabtan cad oo Transparent ah ku dhisan isla markaana si caddaalad ku dhisantahay lowgu tartami doono Jagooyinka kala duwan ee wasaaradaha ka banaanaada, tani oo loo qaatay in ay meesha kasaarayso tuhunkii ahaa in Madaxwaynuhu qaab kaligitalisnimo ah isaga magacaabo Jagooyinka muhiimkaa (Halkaan ka akhri Maqaal Puntlandobserver hada kahor ka qortay arrinkaas)

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/08/Gaas-Cadaalad-baa-shaqaalaha-loo-qaadandoonaa.mp3]

Ama moobaalkaaga ka dhagayso