Dhagayso: Khudbadihii Doorashooyinka Puntland 2009, Khudbadii Faroole, Khud- Farjac, Khud- Awaare, Khud-Ilkajiir, Khud-Nuuradiin

Filed under: Wararka |

puntland election 2009
Waxay Puntland-observer doonaysaa in ay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland indhaha u furto oo ay Shacabka sifiican oo fog hadda kadib markii ruux Musharaxa uu 10 eray yiraahdo ay shacabku gartaan kartidda Musharaxa iyo fahansanaanta dawladwanaaga iyo himiladiisa inta uu ka fahansanyahay cadaaladda iyo muhiimadda u adeegidda shacabka.

Halkaan ka eeg maqaal ay Puntlandobserver waa hore ka qortay maamul wanaaga

Waxaa laga rabaa shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Puntland in ay fahmaan Erayga Maahmaahdaa ee ah Waano iyo Abuur yaa horeeyay.

Calshaan Ruux kasta illaahay Gooni buu u abuuray, ruuxkasta sida illaahay u abuuray waxba cidi kama bedalli karto, wadamada horumarray ruux kasta daraasaad dheer bay kusameeyaan.

waxaa ladoonayaa in marka uu jiro masiir ummaddeed ruuxa runta loo sheego xitaa hadduu aabbahaa yahay, run ahaantii ruux-walbaa meel buu aad ugu wanaagsanyahay.

Hadaan u bucda ujeedkayga usoo noqdo.

Markii aan dhagaystay khudbadii musharax Faroole ee 2009, waxaa cad in Madaxwayne Faroole uu hirgashay dhammaan waxyaalihii uu ballanqaaday, waxyaalaha ay dad baddan qalad u haystaan waxaa cad in aanu madaxwayne Faroole qalad u arag, waayo Madaxwayne Faroole sida uu hadda dalka u hagayo waaba sida Khudbadiisa ku Cadayd.

Hadaba xaggee wax si kayihiin

Dhanka ay dad baddan ku diiddaan qaabka uu madaxwayne Faroole wax u hogaansho waa dhanka nidaamka is jeeg gareeya, ama waxa loo yaqaan checks and balance iyo hay-addo dawladeed oo kala madax banaan, oo aan xukuumadda Faroole ka hirgallin.

Nidaamkaas is Jeeg-garaynaya ee golaha sharci dajinta uu awoodda leeyahay waxaa markii aan dhegeystay musharaxiinta hadlaysay ee kaqayb qaatay doorashadii Puntland ee 2009, waxaa soo bandhigay barnaamijka maamulwanaagga musharax Farjac oo aad ugu dheeraaday muhiimadda in lahelo System ama Nidaam hay-adaha dawladdu kala madaxbanaan yihiin, laakiin hadaladaas meelna ugama jiraan Khudbadda Faroole, marka xilligaas waxaa laga yaabbaa in aynan arrinka dawlad-wanaagga asalkaa shacabku fahansanayn, laakiin maanta waxa ay Puntlandobserver muddo sanada ka shaqaynaysay waa in shacabku muhiimmadda arrinkaas dawlad-wanaagga fahmaan.

Faroole waxaad mooddaa in uu aamminsanyahay in wax lagu maamulo qaabkii Siyaad Barre qaab u eg, markaas armay Faroole sidaas isaga lahabboontahay ee aynan ka ahayn wax xumee, waa maahmaahdeenii ahayd abuur iyo waano yaa horeeyay, laakiin Faroole waxaan dhihi karnaa arrinkii Faderaalka ee Khudbadiisa kujirtay in Soomaali lala xisaabtamo, in Puntland bud dhig u noqoto sidii Soomaali la isugu keeni lahaa, dhammaan arrimahaas Faroole waa hirgalliyay

Halkaan ka dhagayso Khudbadii Musharax Farjac.
puntland-doorasho-2009

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2013/11/farjac-khudbad.mp3][/audio]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

faroole
Halkaana ka dhagayso Khudbadii Cabdiraxmaan Faroole

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2013/11/faroole-2009.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

Halkaana ka dhagayso Khudbadii Awaare
awaare

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2013/11/awaare.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

ilkajiir-doorasho
Khudbadii Ilkajiir

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2013/11/ilkajiir-khudbadii-musharax.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

nuuradiin-doorasho
Khudbadii Nuuradiin

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2013/11/nuuradiin-khudbad-musharax.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

Si kooban u diyaariye Ibrahin Gablax

2 Responses to Dhagayso: Khudbadihii Doorashooyinka Puntland 2009, Khudbadii Faroole, Khud- Farjac, Khud- Awaare, Khud-Ilkajiir, Khud-Nuuradiin

  1. Pingback: Awaare Oo Markii 3aad Isku Soo Sharaxay Madaxwayne Puntland | Puntland Observer

  2. Pingback: Himilooyinkii Madaxwayne Gaas 2014, maxaa ka hirgallay (Qormo Gaaban) | Puntland Observer