Dhagayso Yariisow Afhayeenka Madaxwayne Xassan oo ka jawaabay warbixintii Maraykanku ku sheegay in uu liito Hagaanka Soomaaliya

Filed under: important news and Articles,Somali News |

Dhagayso Yariisow Afhayeenka Madaxwayne Xassan oo ka jawaabay warbixintii Maraykanku ku sheegay in uu liito Hagaanka Soomaaliya.

Arrimaha lagu eedeeyay Xassan Shiikh ayaa waxaa kamidda Musuqmaasuga, karti xumo dhanka hogaanka Soomaaliya ah

Hadaba hoos ka dhagayso arrimahaas oo laga waraystay Yariisow

yariisow

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

One Response to Dhagayso Yariisow Afhayeenka Madaxwayne Xassan oo ka jawaabay warbixintii Maraykanku ku sheegay in uu liito Hagaanka Soomaaliya

  1. 01-dabadheer sideedii
    seben dayrawaayoo
    diihaal la baabba-ay
    daxiir dhurwaagii
    dadka qaadanjirey &
    dinnaahow libaax baa
    ku dagaalay hiliboo
    dukundaakun lays mari

    02-waraabaa durduriyoo
    dooxooyinkoo idil
    qaylaroor u dirayoo
    daayeerro & yey
    iyo kay dawaco tahay
    soo dareera yiriyoo
    la ballamay dugaaggii

    03-dugaaggii markuu shiray
    dawacaa far taagtoo
    waxay tiri maxaa daran
    hawl baa iga dambaysoo
    teer & dorraataba
    naylo reero degey baan
    islahaa ka doox wane

    04-mana garan dugaagow
    beesha derinta fidisiyo
    danta loo golleeyyee
    yaa tumay durbaankoo
    ka dambeeya gogoshaan

    05-waraabaa is doortoo
    darbuush madaxa saartoo
    dugaag ooysusoo baxay
    intuu soo derderey qaar
    oo daacey wuxuu yiri
    anaa fidiyey derintaan
    dantaan uga golleeyana
    daryeelkiinna weeyaan

    06-wuxuu taa ku sii daray
    bahal waa dayacanyahay
    duqnimada bah Deri iyo
    Deylamaana sababta leh
    dawgiyo xaqeennana
    haddii aynan daaficicin
    wayna duudsiyaayaa

    07-dulliguu na baday &
    dibindaabyadiisaa
    naga reebtay dunidoo
    dib u eeganmaynoo
    u dulqaadanmaynee
    war maxaad ka damacdee
    buu ku daayey hadalkii ?

    08- eey baa duryamayo
    inta uu ka daba kacay
    durbadiiba wuxuu yiri
    waraabow ma diiddanin
    bahal inuu dayacanyahay
    laakiinse deylame
    duqii beesha weeyee
    waa in laga dambeeyaa

    09-dembigaad ku sheegtoo
    dusha awga tuurtana
    diradira cad weeyoo
    haddiiyaan dugaag nahay
    kugu diidney taladaas
    yaase duubka kuu xiray
    dugaag kaaga dhigay Boqor
    durey maadan noqonine
    deji baan ku leennahay

    10-mana garan dantaadiyo
    dulucdiyo ujeeddada
    waxaw duurxulaysoo
    libaax kugu dandaanshee
    waxaa damacday noo sheeg
    dakanooyin hore iyo
    deyn miyaad kuleedahay?

    11-dhurwaa baa darbuushkiyo
    degta ilaa tagoogyaha
    bakhtidhowr dul saarraa
    intuu dayma-dhidarrayn
    daawaday wuxuu yiri

    12-waxaan doonayaa madax
    doorashaan u taagnahay
    duugowdey Boqornimo
    giddigood bah Deri &
    Libaax waa in uu dego

    13-dowlad baan dhisaayaa
    dugaag uu u simanyahay
    durjigoodna bahallada
    waxay doonayaan iyo
    daryeel baan ka simayaa

    14-meel lagu daweeyiyo
    dugsiyaan u furayaa
    cirkoo da-a baruuriyo
    waxaan duulla heliniyo
    darib & leg baan siin

    15-god wuxuu ku dumijirey
    iyo kii daleel yiil
    giddi meel dugsoon &
    aqal daahyo weyn baan
    maatada dejinayaa

    16-duulkii qaawanaanjirey
    diricyaan u xirayaa
    maraakiibta dooshiyo
    doonyaan u rarayaa
    dahab & xariir baan
    kala doorta leeyahay

    17-duurka & kayntii
    harraad lagu dawikhijirey
    webiyaal durdurayoo
    lagu wada dabaashaan
    ka dillaacindoonaa

    18-reer reer ku duulkii
    damal iyo galoolkii
    dooxashadii qabiilnimo
    dulmigiyo addoonsigii
    derisnimo xumaantii
    sababihii dib noo ridey
    dalka waan ka tirayaa

    19-intaasoo danteenniyo
    daawadeenna guudba ah
    ayaan doon isleeyee
    maygu dabageleysaan
    mase waygu diiddeen
    buu dood ku soo xiray

    20-Eey baa is dabajoog
    inta uu indhaa dabay
    masna caro darteed yiri
    inay duni gaddoon tahay
    taariikhda duugga ah
    dib haddaad u raacdaan

    21-hadmaa duhur dharaareed
    qorraxdoo duusha timi
    dayax uu wax tarijirey?!

    22-hadmaa goobo dirireed
    intay diricyo dhuuntaan
    doqon geelal dhicinjirey?!

    23-hadmaa dood aqooneed
    rag intuu ka dalagsado
    dumar loogu wicijirey?!

    24-waxaa taa la darajo ah
    waraabow dabuubtiyo
    dooddaada maanta ah !

    25-malaayiin duddo horteed
    delebkii durta u dhacay
    ee loo dabbaaldegee
    lagu doortay reer Deri

    26-daabac baan u rogayaa
    danabbada Shabeel iyo
    Fahad oo ka daran iyo
    duubi weyne Nimir iyo
    Dinnaah baan casilayaa!

    27-habkii kala dambayntiyo
    guddoonkii duqnimadana
    dugaag baan dhexdhigayaa!

    28-layskama darooryoo
    muran lama daliiqee
    duul ma kaa maqlaayaan?!

    29-doorkaan horeetana
    anigaa u diyaaroo
    dugaag igu kalsoonyahay
    miyaan inaad dayuus tahay
    dowlad aad ka madax tahay
    kugu doorannaayoo
    kugu dabo istaagnaa ?!

    30-Curri baa ku sii daray
    oo yiri dugaagow
    waa laydin dagayaa
    debin baa la xirayaa
    dureemaa la rogayaa
    sixir baa la degayaa

    31-waa laysku keen dirin
    dilka iyo colaaddiyo
    dekenanada dhexdeennana
    dib baa looga sheekayn

    32-cirkoo da-a baruuriyo
    waxaan duulla helin &
    darib & leg waa been

    33-duurka & kayntana
    webiyaal durdurayaan
    ka dillaacindoonaa
    hadal doqonmagaratiyo
    sir daboolan hoos iyo
    damac & qab weeyaan

    34-yaase lagu dagaayaa
    lagu duufsan karayaa
    oo sun iyo deebaaq
    malab loogu darayaa
    oo taa ka diimmoon

    35-war hannoo dardaarwerin
    ama doobbi ama qooq
    ama duul sidii haad
    ama duubka beenta ah
    dalowyada la meermeer

    36-mar haddaan dirkaygiyo
    Eey diricyadiisiyo
    intaan daaqin geedaha
    kuu dooranayn madax
    ama daadduf liitiyo
    diin laawe mooyee
    Libaax kugula duuleyn

    37-waraabaa dibbirayoo
    intuu yeeray laba daan
    ku soo duulay Eey-yoo
    miciyaha intuu daray
    Dummaddiina ku joogsadey
    durruqaan wuxuu yiri

    38-dabadhilif aqoon iyo
    daandaan itaal xumo
    doqomadaa ka liitaba
    dugaagow wax loo dhigo
    intaa dunida joogteen
    duulkaa ma aragteen ?!

    39-Shabeel daray ku joogoo
    shirka daawanaayana
    soo dego intuu yiri
    Eey bay dorraad iyo
    dumad bay kulmeen shalay
    been aan daboollayn
    inta loo dambaaburey
    isna meeshii lagu doox

    40-digta iyo cabaadkii
    dummaddiyo shabeelkii
    markii Eey la daawaday
    meydkii dushiisii
    Dawacaa mashxaraddoo
    Dhidar baa dacuucoo
    Yey baa daleentoo
    giddi Diric Dhurwaa yiri

    41-Dhurwaa baa kuwuu diley
    sidaan looga diirayn
    bahal loo danqanahayn
    inta uu ku diirsaday
    oo duugtey shanabbada
    yiri habardugaagow
    waa in la ii duceeyaa

    42-wuxuu taa ku sii daray
    oo tii ka sii daran
    amarkaan idiin diro
    degdeg waa in uu fuloh
    oo ciidan loo diro
    inta uu Libaax degoh

    43-ilaa Doollo iyo Ciid
    Hawd dacalladiisaa
    dooxada Nugaalgodan
    Deexbari u daaddega
    Golol soo dul joogsada
    duullaan galoobaxa

    44-webiyada u soo dega
    duhur dhaafa Hiiraan
    Bakool haysdul taagina
    Gedoh daraf ka soo mara
    dekedaa Kismaayiyo
    beeraha ka soo daya
    ka soo duuba xoolaha
    dibjiriin ka wada sima

    45-aniguna dantiinnaan
    u dadaalayyaayee
    dayyicii horeetoo
    Libaax inaku daawaday
    qoloqolo dugaaggii
    waa in aynu duugnaa

    46-wixiiyaan durraantana
    xaqa lama daboolee
    waa in lay dallaashaa
    ciddiiyaan dirsado iyo
    anigiyo dirkaygana
    laga wada dambeeyaa

    47-war bal eega Dacawiyo
    Dhidar diifta gaajada
    ma wax loo dulqaataa
    intuu dibintii sare iyo
    tii hoose kala diray
    oo ilaa dalqada furay
    buu yiri dareeroo
    orda oo dagaal taga

    48-badankood dugaagoo
    Dawaco iyo Yey iyo
    Dhidar ay dalbanayaan
    baa Dhurwaa la duubtoo
    in ay hawshii loo diro
    xoog ku daafacaayaan
    bay ku xilo dalaaqeen

    49-darandoorri joogto ah
    duullaan qarsoon buu
    soo dumay Dhurwaayoo
    nabad lagu dangiigiyo
    daawo waa ka dhaartoo
    in uu daadsho dhiig iyo
    daandaansi deynwaa

    50-qaylaa dalluuntoo
    dawankaa is dhaafoo
    debedda iyo gudahaba
    Dabaxiir wuxuu dhigay
    baa gaarey duunyada

    51-Maroodaa dalqamayoo
    Faras baa danaanoo
    Yaxaas baa dabaashoo
    Diin baa gurguurtoo
    digniin wadar ahaaneed
    Dabaxiir ergo u diray

    52-hayeeshee digniintiyo
    dacwada iyo taladii
    dabaxiir ma qaayibin

    53-wefti uu Dameer iyo
    Daayeer horkacayoo
    dacwadii u keenana
    dib u socod ayaa tiin
    dembi baadna wadarnimo
    daallim kula heshiiseen
    giddi ugu dardaarweri
    duqowdina ma soo noqon
    in uu dileyna loo daa

    54-dalkii gebi ahaantii
    abaar daahyo rogatiyo
    dooxashiyo qabiil aan
    duulla laga xishoon baa
    dam Ilaah ku siiyoo

    55-wax kaleeto daayoo
    samadina wax da-a iyo
    laga waah daruuroo
    daacuun wax laayiyo
    cudur baa ka soo degey

    56-deeriyo biciid iyo
    goroyiyo dameerfarow
    inta daaqda geedoho
    doofaar ka maqanyahay
    ayaa soo dillaamoo
    ugaar diririgteedii
    dedibkaa gariiroo
    intay Aar la duubteen
    gembi bay durraanteen

    57-Libaax baa diryaankii
    kasoo toosay damaloo
    yiri waa gar iyo daw
    doc inaad ka noqotaan
    daandaansigiisiyo
    dulmiguu dhurwaa wado

    58-waan daahay mooyee
    anna idinma dayrine
    xaqa oo dillaaciyo
    dalkoo lag gadoodoo
    dagan baan sugaayee

    59-imminkana danteeniyo
    waxaad iga dalbaysaan
    anigaw diyaar ahoo
    dabaxiir eryaayyoo
    ka curyaamin debeddee
    intaad dabamaryeysaan
    guduhuun dab kaga shida

    60-duullaanki koowaad
    waxaa weerar loo direy
    col madaalayaaliyo
    dabaggaalle koox uu
    dalyaqaan u yahayoo
    dib u noqosho garanayn

    61-waraabiyo dirkiisii
    digta waa horaadkii
    weerarkuu ladabogalay
    jeeruu kun kaga diley
    kama harin tan & duhur

    62-darbadihi ku xigey baa
    dhurwaa daad sidiisii
    dhiig looga daadshoo
    malyan sowtan laga diley
    doofaar u badanyahay

    63-doorkii colkiisiyo
    markii doobki laga jaray
    Daboxiir baroortii
    u dillaan galbeedoo
    dacwad nabada soo dhiib

    qaybtaan waxaan
    allifney:Jan.1991

    64-markii subax darbuushkiyo
    dhurwaa dowladnimadii
    daleel kaga dhaqaaqoo
    barqo uu ka dalagsaday

    65-dameer baa isbidayoo
    isa soo daruuroo
    dacas suulal go’an iyo
    intuu qaatey daboggaab
    yiri xoog anaa degey
    daboxiir godkiisii

    66-ciddii igula dooddana
    u dul qaadan maayoo
    waxaa iga digniin dhaar
    dameertu iiga furan tahay
    dabayl aan afuufiyo
    qoob baan ku dilayaa

    67-duunyo iyo bahallana
    duulkii i racee
    daacad ii ahaadana
    bal intii ka deeqdiyo
    maankaal dawo ah &
    digir iyo qaraan siin

    68-damac waa belaayee
    Qollaa ka duday taas
    oo yiri dameeroow
    dagaalki anaa galay

    69-adna waad dayowdoo
    kursi bayska damacdaye
    darbaalka iyo koorihi
    dabageliskii reeryadii
    duudkaaga saarrayd
    dulmigiyo gumeysigi
    dabaxiir anaa ridey

    70-dacaygii ku qowlalay
    iyo dabarki lugahee
    xor inaad u daaqdiyo
    kuu diidey noloshaba
    duntoodii anaa jaray

    71-adna daaman weynow
    daaraha shangaanniyo
    ilaa iyo digfeer baad
    biyoh daabuleysoo
    daaqeysey cowskee

    72-xukunkaad ku duushoo
    dusha aad u ridatanah
    cidi kuuma doorano
    maad lihid dumaashee
    ogow waad duddubisaye

    73-hayeeshee dan hoosiyo
    daawaa naga dhexaysee
    taadu hay dambeysee
    doodi waa hadhowtee
    marka hore dagaal culus
    deylame igula qaad

    74-geddigoodba reer deri
    dawgii dhurwaa maray
    haka dabaqaxeenoo
    dalka yaan mid kaga harin

    75-howsha ciidan dumiddiyo
    xeelaha dagaalkana
    diric igaga toolmoon
    dugaag kama helayside
    taas aniga ii ddaaa

    76-Diiq oo la joogoo
    dawlad loo xilsaaroo
    doonaayyey weligiis
    isagiyo digaaguba
    xamaroo dabgalo iyo
    qarankuba inuu dumo

    77-ayaa yiri dameerow
    dulucdeedu taladuu
    soo jeedshey dooxane
    fursad dahab ah weeyee
    anna waa i deeqdaye
    ha dayicin tanoo kale
    ee diraca taageer

    78-haddii kale dagaalkaan
    dabaxiir ku qaadniyo
    waxa daqaro waaweyn
    doogtoodu nagu taal
    deylame haduu ciyoo
    xamar soo duljoogsado
    waa la inooka darayaa

    79-adna dacaygaad goysiyo
    darbaalka iyo haantibaa
    dib laguugu rarayaa
    siduu sheegay dooxane
    kursigaan duqnimadana
    waa laga dajinayaa
    ama waaba lagu dili

    80-dameerkii shakaa galay
    hayeshee dabuubtii
    jawab diido kama oran
    daayeer arkaayena
    wuxuu yiri dibkuu ruxay

    81-eeyna dacay dhareerliyo
    duuddaa abiidkiis
    waa dabeecaddiisee
    darajooyin beeniyo
    soo xirey diriisoo
    inta uu dumduma dheer
    ula baxay daf iyo buun
    qayluu durbaba ciyey

    82-wuxuu yiri dacuucdii
    shir intuu degdeg u wacay
    dabaxiir ka durug xamar
    midse nooga daranoo
    duumiyo khatara baa
    weli daarta nala yaal

    83-dibjir iyo magaratiyo
    wixii doqon shirkii yimo
    doolli uu ka madax yahay
    dib u urursey eey-yoo
    u hoggaami duullaan

    84-wadarnimo bah deri baa
    dildilaac oogtiyo
    markii waagu daalacay
    diigaanyo ciidama
    lagu soo dilaanshoo

    85-deylamoo qoslaayoo
    isaga iyo reer deri
    farxad iyo damaashaad
    dabaxiir jabkiisii
    u dabbaaldagaayaan

    86-dagaal aanay filaneyn
    dooxane colkuu waday
    sow sida daruur roob
    kuma degin arooryoo
    xamar debedda kama dhigin

    87-dukhsi iyo aboor iyo
    doorshaan dhamaantina
    dab inteey u dhiibeen
    dalkii gebi ahaantii
    ayax beer ku degey iyo
    diirdiir sideedii
    saacad bay ku diirteen

    88-waddankii degaankiyo
    kuwacnaa dalxiiskana
    sida meel dukaafad ah
    lafo daadsan mooyee
    kuma harin dureemiyo
    doog iyo wax nooliba.

    qaybtaanna waxaan
    allifney:March 1991
    M.X.N.M. (GALOW FIIN)
    Email:mhd.h.n@live.com

    Sir Galow Fiin
    February 8, 2014 at 12:12 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>