Dhagayso:Nicholas Kay; Soomaaliya waa lagaarsiin karaa doorasho xor ah 2016 qorshihiina waa socdaa

Filed under: Wararka |

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in tubta lagu gaarayo doorashooyin dimuquraadi ah in Soomaaliya ay ka qabsoomaan sanadka 2016-ka ay wali taagan tahay inkastoo ay jiraan caqabada hor taagan dowladda fedaraalka.

Danjire Kay ayaa sheegay inay jiraan 3 Qodob oo caqabad ku ah inay Dowladda Federaalka hirgeliso doorasho dhacda sanadka 2016, qodobadaas ayaa ah:
nicholes-key-gaalkacyo1

1) In la sameeyo Maamulada KMG ee la rabo inay ka mid noqdaan habka Federaalka
2) Sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka oo la kala cadeyn lahaa awoodaha iyo sidii loo qaybsan lahaa Kheyraadka iyo ugu danbeyn
3) Sidii loo qaban lahaa doorashoyinka 2016

Mr Kay ayaa soo dhoweeyay dadaalada DF ay hadda ka waddo Maamulka Jubbaland iyo mustaqablaka oo la rajeynayo inay DF la hadlaan Puntland waayo qorshaha la higsanayo waa mid muhiim ah oo la rabo inay wada qaataan soomalida oo idil.

Mar la weydiiyay siduu u arko isqabqabsiga siyaasadeed ee dhexyaala maamulada federaalka iyo dowladda dhexe ayuu ku jawaabay inay tahay mid dib u dhigaysa in horay loo socdo si loo gaaro higsiga 2016
Ergaygani ayaa intaasi ku daray in ay jirto baahi loo qabo in Soomaalida ay la xisaabtamaan dowladda iyo beesha caalamka si buu yiri ay u fuliyaan ballan qaadyadii ay sameeyeen.
Hoos ka dhagayso
[audio:http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2014/04/Kay.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

Source: Puntlandi & Voa