Dhallinta Midnimo Qaran – Cilmi Boodhari Oo Caddeeyay In Ay Soomaali Qoys Qura Tahay, Ilaahayna U Eexdey Soomaali, hadday ku shukrin waayeen la Imtixaamayo (Qoraal kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

allah will test you

Qoraallada aan ka qornay nimcooyinka ilaahay sida goonida ah Soomaalida u siiyey

Waxaan marar aad u farabbadan ku caddeeynney Puntlandobserver in ilaahay nimcooyin farabbadan uu siiyay Soomaali oo aan la siin qowmiyadaha kale, balse ay nimcadaas ilaahay siiyay Soomaali aynan dareemmin oo ku shukrin, isla markaana Soomaalidii la imtixaamay.
Akhri qoraalada hoose nimcooyinkaas si aad wax uga ogaatid, inta aan ka tagnay noosoo sheeg.

Dhanka kalena qoraal aan qornay maallin gaalkacyo uu kasocday dagaal qabyaaladeed, oo aan xasuusinay Soomaalida nimcada illaahay sida gaarkaa u siiyay iyo dhulka baaxadda wayn iyo halka qoys ee isku luuqada iyo diinta iyo waxwalba wadaagga, oo aannu jirrin qowmiyad nimcadaas la siiyay, balse ay Soomaalidu ku shukrin waayeen badelkeediina imtixaan loo dhiibbay.

Reer binii israel baa illaahay nimco dhulka dushiisa ku siiyay iyo waxwalba waxayna diideen in ay ku xamdiyaan, waxaana lowgu xijiyay imtixaan iyo in xitaa dhulkii laga qaaday.

10 Magaalo Oo China Ku Yaal Ayaa Magaalo Kasta Waxaa Ku Nool Celcelsi Dad Ka Badan Soomaalida oo Dhan,Soomaali Illaahay Wuxuu Siiyay 3300km Bad, 2000km Wabi Dhul Aad U Ballaaran (Qormo Gaaban)

Cilmi Boodhari iyo dhallinyarada kale ee Midnimo qaran runtii qaybtoodii waa ay kasoo baxeen, waxayna sameeyeen dadaal ka culus ciidamo jamhadeeya oo xabad qaata, waxaana la doonayaa in lagu daydo dhallintaas, waayo bulsho walba inta ay dadaalaan ayay hellaan, waxaana ugu wanaagsan in illaahay marwalba lowgu xamdi naqo nimcooyinka uu illaahay Soomaali siiyay sida in illaahay dhul baaxadwayn siiyay, bad siiyay akhri qoraalada hoose, oo dhagayso Cilmi Boodhari oo sharaxaya