Dhalinyarada reer muqdisho oo ka ra’yi duwan Odayaashii hore iyo Khilaafka Madaxda oo Soomaalidu ay ka cilmi kororsadeen (maqaal)

Filed under: Wararka |

Waxaa aad isu soo taraya isbadalka dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada Muqdisho ku soo barbaaray ayaad mooddaa in ay waayadan danbe ay aad usoo fahmayaan waxyaalo badan oo ay waaggii hore Qabqablayaasha iyo Hogaamiye Diidmeedka dadka Qasha ay dhallinyarada miskaxda uga gureen.
speakjustice
Laakiin Soomnaalidaa ku maahmaahda war dhaaxaaba cakaaraa ruu iman.
Wixii ay Hogaamiye kooxeedka aan waligood iskuulka aadin ay dhallinyarada ku guri jireen ayaa maanta dhalinyaradii ay ku baraarugeen in aynan wax sax ah ahayn (Sida Qabyaaladda), dhanka kalena Dhallinyaradu waxay sidoo kale barteen KOOXAHA SACUUDIGA LAGA SOO MAALGALIYO EE DANAHA GAARKAA AY KA LEEYIHIIN KOOXAHA SUCUUDIGA XOOGGA KU HAYSTA, OO MAANTA DHALINYARADII WAXAY INDHAHOODA KU ARKEEN DHAMAAN KOOXAHA WADAMADA CARABTAA LAGA SOO MAALGALIYO OO KITAABKA AAN SAXDA AHAYN LOO SOO DHIIBO ISLA MARKAANA DHALINYRADA ADEEGSAN JIRAY IN AYNAN DAN DHALIYARADA MUSTAQBALKOODA U WADIN.

Dhanka kale Dhallinyaradu waxay maanta diideen in ay tala keen u noqdaan kooxo Hogaamiye Kooxeed ah oo aan waligood iskuul aadin, balse yaqaan sida loo boobbo masiirka iyo hantida Shacabka masaakiintaa, isla markaana maadaama aanu shahaado wadan waa in uu kiciyaa dagaal qabyaaladeed si Hogaamiye looga dhigto, si uu dhalinyaradii u uu dagaal ugu jiheeyo isaguna Mansab ugu helo.

Waxaana taa kuu caddaynaya sida dhalinyarada Muqdisho aynan ula safan Mooshinkii aan sida saxdaa ku iman ee Laaluushka iyo fikirka qaldan ku socday, waxaanad si fiican uga dheehanaysaa dhalinyarda suxufiyaantaa ee reer Muqdisho in ay hadda Illaashaan Qadiyada Guud ee dalka oo aad ka dareemaysid isbadal mugwayn sida ay Saxaafadda u daadihiniyaan, inkastoo aynan gaarin wali level wanaagsan hadana waxaad mooddaa isbadal Muqwayn in uu socdo, oo dhalinyaradu ay naceen Hogaamiye Kooxeedyadii iyo Qolooyinka Sacuudiga Khadar iyo Masar laga soo maalgaliyo iyagoo hoosta ku wata dano Guracan.

Maanta dhalin yaradu waxaad mooddaa in ay cidkasta uga dhaga nugul yihiin ABWAAN SANGUB, oo aad arkayso sida ay dhalinyarada saxafiyiintaa ee reer Muqdisho ay Abwaan Sangub uga qadarinayaan cidkasta.

Abwaan Sangub

wuxuu wadaa dhaqankii hore ee Soomaalida ee asalkaa ahaa, waana tan ay fahmeen maanta dhalinyaradu, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa Cawska Jiillaal waa lama huraan.

Dhanka kalena Khilaafkii Madaxda Sare ayaad mooddaa mid u haa Soomaalida mid ay ku cilmi kororsadeen, oo ku fahmeen Dastuurka iyo Qodabadiisa kala gadisan, waxaana socda isbadal ballaaran oo ay shacabku soo fahmayaan Muhiimadda dhawritaanka Dastuurkii Shacabku dhigtay in aan dhanna looga leexan, waayo Dastuurka waa waxa lagu doortay Madaxda, Haddii aanu dastuur jiri lahayn Madaxda lama doorteen.

Puntlandobserver Desk