Dhallinta Somaliyeed: Xabsi iyo Dil Joogta ah, Magaalada London, England

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Dhallinta Somaliyeed: Xabsi iyo Dil Joogta ah, Magaalada London, England

10% dilalka ka dhacay London 2017 waxaa lagu dilay dhallin Somaliyeed. Maxaabiista xabsiga dhallinta ee Feltham, 10% waa Somali. Somalida ku nool London qiyaasti waa 1%.

Maxey galabsadeen, maxaa helay dhallinta Somaliyeed, yaa u gargaaraya?

Sharmarke.samatar@yahoo.com

Sanadki tegay 2017 waxaa lagu dilay magaalada London ilaa 6 dhallinyara Somali ah. Da’doodu waxey u dhexeysay 16 – 21 sano. Qaar iskuulleey ah iyo kuwa jaamacado ku jira iyo kuwa kale. Badi waa la toorriyeeyey. Waxaa dilkaa geystey Somali kale iyo shisheeye.

london

Xogta booliska London soo bandhigeen sanadka tegay (2017), waxey aheyd sidan: Bishi 3aad waxaa lagu dilay London 2 dhallinyaro Somaliyeed. Bishi 4aad mid, bishi 6aadna 3 dhallinyaro kale oo Somali ah.

Tirada dadka Somalida ee degan London waxaa lagu qiyaasaa ilaa 100 kun oo qof. Magaalada London dadk guud ahaan ku nool waa ilaa 10 malyan. Haddaba waxaa muuqata in tobankii qof oo lagu dilay London sanadkan mid uu yahay Somali.

Sidoo kale, Xabsiga dhallinta ee Feltham waxaa ku jira dhallinyaro Somaliyeed oo lagu soo oogay dambiyo kale duwan sida daroogo, tuugo, dil, iyo hub lagu qabtay. Guud ahaan inta ku jirta xabsigaa, Somalidu waa 10%. Tobankii maxbuus, mid waa Somali.

Maxaa u Sabab ah Halaaggan?

Arrimo badan oo isbiirsaday yaa ka aakid ah dhibtan. Dhallintan oo isugu jirta kuwa ku dhashay UK iyo kuwa la keenay ayagoo kuray ah yaa badi ka saaqiday waxbarashada. (waloow ey jiraan kuwa la dilay ama la xiray ayagoo ku hawlan waxbarashadooda.)

Waxaa kaloo jira burbur ba’an oo dhexyaal qoysaska Somaliyeed. Furriin iyo waalidiin wada joogin. Badanaa dhibtu waxey soo gaartaa wiilasha. Waxaa loo nisbeeyaa in wiilashaasi gabeen aabbe hoggaansha reerka, wiilashuna ku deydaan.

Midda kaloo muuqata waa maqnaanshaha dhaqan muuqda iyo bulsho wada jirta oo isku xiran oo laga la’yahay shacabka ku nool UK. Waxaad arkeysaa bulshooyinka kale ee dega dalkan oo guud ahaan isku xiran, leh xarumooyin isugu tagaan oo ey ku kala war qaataan. Hoggaan isugu jira rag iyo dumar oo u xeeytay iney bulshadooda taakuleeyaan. Balse, qoyska Somaliyeed badanaa waa kaligii daaqsade. Reeruhu waxaa laga yaabaa iney xiriir la leeyihinn ilaa 2 ama 3 qoys kaliya oo jifadooda ah oo ag deggan. Saa ey tahay, maaha xiriir looga tashanayo sida loogu noolaan lahaa dalkan iyo baarbaarinta carruurtooda iyo dhibta sugeysa.

Waxaad mooddaa in dhibtan xoogaa ka badbaadeen kuwa ku xiran masjidka iyo muxaadarooyinka. Taa qudheeda maaha xal waara ee waa inta dhallintu yaryartahay.

Maxaa Xal ah?

Waa in la helo urur bulsho oo heegan u ah daryeelka qoysaska Somaliyeed ee dayaca ka heysto barbaarinta carruurta iyo dhallinta. In la helo xarumo lagu kobciyo dhaqanka iyo afki hooyo. Waa maahmaah Somaliyeed “qof aan kula carrab aheyn, kula calool maaha”. Dhallintan dhibta ku jirta badidood waxey ka simman yihiin arrad dhaqanka ah, afka hooyo oo ey aad ugu liitaan, iyo diinta oo ku yar. Waa in laga haqabtiraa intaa, oo la helaa gole mudan waxqabadkaa.

Waxaa jira TV-yo Somaliyeed oo tiro badan oo Bulshadu daawato. Waxaa ku yar barnaamijyo ku jiheesan barbaarinta carruurta iyo dhallinta Somaliyeed. Barnaamijyo haldoor ah oo muujinaya wanaagga dhaqanka iyo macaanka afka hooyo oo la abuuro. TV-yadu iyo xarumuhu waa in laga dhigaa xaflad abaal marin sanad walba oo la guddoonsiinayo dhallinta, taasoo ku saleysan hiddaha iyo dhaqanka Somaliyeed: gabayo, heeso, sheeko xariir,taariikh iwm.

Burburka qoysaska Somaliyeed ee qurbaha waa aafo u baahan in si buuxda xal loogu helo. Waa aafo saameysay bulsho weynta qurbo-joog iyo guri-joogba. Haba lagu kala badnaado. Wadaad iyo waaya-arag iyo mid bartay cilmiga qoyska/wadajirkooda waa iney iska kaashadaan. Talo siin, guubaabo iyo garnaqsi waa in la helaa. TV, raadyo iyo qoraalba.

Dhammaad