Dhaqaalaha Dalxiiska

Filed under: Articles,Wararka |

Yaasiin VII

Dhaqaalaha Dalxiiska

Dalxiisku wuxuu qowmiyado badan u yahay dakhli qaran oo muhim,  sida Baraasiil, Kiinya, Masar, iyo qaar kale. Inkastoo Kiinya iyo Masar hoos-u-dhacay xagga dhaqaalihii dalxiiska ka soo geli jirey ku yimid, falal argaggixo darteed. Baraasiil waa dalka shanaad ee dunida ugu dhulka weyn. Waxaa ku yaalla webiga ugu biyaha badan adduunka oo lagu magacaabo Amazonas. Waxaa dalxiiska ka soo gala lacag shan bilyan US$ sannadkii oo u dhiganta wadar wax-soo-saarka guud Soomaaliya [GDP]. Waa dal hodan ah oo leh khayraad badan sida: 1.dahabka 2.yuraniyamka 3. birta, kuwaasoo ah halbowlaha dhaqaalahiisa. Waxa dalxiisayaashu ka hor inta ayan dhoofin talooyin caafimaad iyo kuwo amni ka qaataan hay’adaha dawladda qaabbilsan ee dalalkooda. Tusaale, tallaalada iyo nabadgelyada. Amni xooggan ayaa ka jira Baraasiil, taasoo kalsooni gelisay dalxiisayaasha oo keentey in dhaqaalaha ku xiran dalxiiska shisheeye uu kobco. Hayeeshee, waddooyinka ayaan fiicnayn. Kolka dalxiisayaasha dal booqanayaan waxa xiisageliya ayaa ah taariikhda, dhaqanka, iwm. Sidoo kale, dabeecadda sida qorraxda, hawada macaan, iyo xeebta, iwm ayaa inta badan dalxiistaha soo jiita. Shimbiraha noocyadooda kala jaadka ah, kuwa ugu badan adduunka ayaa Baraasiil ku dhaqan. Soomaaliya bulshada ku nool 70% waa dhallinyaro da’doodu 30 jir ka yartahay. 43% da,doodu waa 14 jir. Waxaa tirakoobkan ka muuqda in bulshada Soomaaliya dhallinyaro tahay. Ku darsoo misana, 90% dhallinyaradaas waa shaqo la’aan. Haddaba su’aasha qiimaha badan oo lays weyddiin karo waa: xaggee shaqooyinka ka imanayaan, Illeyn cirka ka soo dhici maayaane. La’aanta hoggaan aragti fog iyo qorshe leh, dhaqaalaha horumarinaya, arrin kastoo murugsan iskuddayaya in uu xal u doono, haddii taa la waayo halis baa ummaddaasi ku soo fool leh.

Xalku wuxuu yahay, iyada oo la is-weyddiiyo, maxaa dhibaatada keeney? Dhibaatada ugu weyn oo imminka Soomaaliya ka jirta waa sicir-bararka iyo qiimo dhaca Shilinka Soomaaliya. Waxay u baahantahay in dhinacyo badan laga dhiraandhiriyo ammuuraha cakira sida, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshadaba. Waxaa xalka qayb muhim ka ah in wax-soo-saarkii dalka dib loo yagleelo oo kor loo qaado, colaadaha iyo amnidarrada jirta xal loo raadiyo. Sidoo kale, in la soo jiito maalgashiga shisheeyaha. Inkastoo hoos-u-dhaca dhaqaalaha iyo sicir bararka Soomaaliya uu soo billaabmay kaddib dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray, 1977.

Faa’idada wax soo saarka oo la soo nooleeyo

Wax-soo-saarka haddii la soo nooleeyo waxa yaraan kara shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada iyo saboolnimada ba’an oo bulshada Soomaaliyeed guud ahaan haysata, gudo iyo dibedba. Soomaaliya waxay maraysaa heerkii ugu hooseeyey taariikhda inta ay xorta ahayd. Baahida suuqa Soomaaliya 90% alaabta dibedda ayaa laga soo dejiyaa. Xoolaha Soomaalida ee la dhoofiyo suuqii carabta waa ka xiranyahay. Maaddaama wax-soo-saar jirinnin suuquna xoryahay, waxaa khasab noqotay in wax kasta la soo dejiyo. Waa loo baahanyahay in suuqu tartan jiro. Macaamiishu doorasho leeyihiin, iibsan karaan badeecaddii baahidooda qancisa. Marka alaabta la soo dejiyo ay ka badan tahay alaabta uu dal dhoofiyo. Kolka waxa la dhoofiyo dakhli ayaa soo galaya dalka, kolka wax la soo dejiyo kharash ayaa dalka ka baxaya. Si sicir-bararka u yaraado, lacagta qiimaheeda kor ugu kacdo, waa in alaabta dibedda loo dhoofiyo iyo kuwa soo dega is le’egyihiin. Qof kasta xaq buu u leeyahay in hantidiisa uu ilaashado si aan loo dhicin, gaar ahaan kolka amniddarro jirto. Dadka naftooda iyo hantidooda sida, lacagta, dahabka, iwm, way la baxayaan.

Waxaa imminka la wadaa fiise la’aan baasaboorrada muwaadinnada dalalka ku bahoowey ururka IGAD [Soomaaliya, Jibuuti, Eritereeya, Kiinya, Itoobiya, Suudaan, Koofurta Suudaan iyo Ugaandha] ay si xor ah ugu kala gooshi lahaayeen, ganacsigoodana u kala socon lahaa.

Lacagtu waa sida dalxiisayaasha oo kale. Way dhooftaa haseyeeshee, inta ay kob amnidarro ka jirto ka tagto kob kaloo amnidarro ka jirto ma tagtee, waxay tagtaa keliya waa goobta nabadda ah oo ay ku kororto iyo dabcan suuqii faa’iido badan. Ma ay taqaan mana celiso xuduud, diin, midab, af, iwm. Masar waxa u caadi ah dabcan in af Carabiga lagu hadlo. Kiinya waxa caadi u ah in af Sawaaxili lagu hadlo. Baraasiil waxaa lagu hadlaa afka Bortuqiiska. waa marka ka hadlayno aqlabiyada shucuubtoota iyo guud ahaan dunida waxa dal kasta leeyihiin afaf, dhaqamo, taariikho u gooni ah, haseyeeshee ganacsigu adduunka hal af buu weligiis leeyahay. Maxaa faa’iido iyo dan ku jirta?

Gunaanad

Waxa adduunka la soo maray marxalado iyo waqtiyo xasaasi ah qaarna taagan yihiin, sida kacdoonkii carbeed ee isbeddel-doonka ah, ka soo billaabmay Tuuniisiya. Dagaalka aragaggixisada, dhaqaalaha adduunka isku xirmaya iyo Shiinaha oo awooddiisu kordhayso. Waxa la rajeeynayaa dalxiisayaashu ha daarnaado safarradoodu ujeeddo ganacsi ama mid waqtigooda firaaqada ku qaadanayaan in qayb ka noqdaan hagaajinta nolosha dadyowga adduunka, is-fahamka dhaqamada iyo waxa ugu muhimsan nabad ku wada noolaanshaha.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

18.02.2018