Dhegayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Sheekaynaya lacag 15 Million$ oo Xaqul Qalina oo Dp-World Siisay Somaliland (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Sacad-Cali-Shire

Shirkadda Dp-World ayaa mashaariic isku mida ka fulinaysa Somaliland iyo Puntland, waxaanad mooddaa in hanaan isku mida loola heshiiyay labada maamul.

Hase yeeshee Golaha wakiilada Somaliland ayaa aad ula xisaabtamay xukuumadda Siilaanyo, siilaanyana wuxuu arrinka heshiiska faraha uga qaaday wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire.

Wuxuuna sacad Cali Shire qiray in shirkadda Dp-World ay siisay lacag 15 million$ ah oo xaqul qalina oo markaas 5 million$ doomo yaryar lagu soo iibshay, 10 million$ ee Soo haray lagu shubay akoonka wasaaradda maaliyadda Somaliland.

Inkastoo wixii intaa ka danbeeyay aan wax wara laga hayn halka lacagtaas ku danbaysay iyo waxa lagu qabtay, hadana calaa aqali baarlamaanka waa looga dooday.

Dhanka kalena Puntland inkasta oo aan Baarlamaanka looga doodin hadana Madaxwayne Gaas wuxuuba ka dhiibay mashaariic muhiima oo lacag gaaraysa 3.5 million ayaa lagu wareejiyay wadada Ceel-Daahir iyo Ayraboorka Garoowe.

Hase yeeshee shacabka looma sheegay meesha ay ka timid lacagta lagu maalgaliyay Ceeldaahir iyo Ayraboorka Garoowe

Hoos ka daawo warbixin heshiiska Dp-World iyo Somaliland

One Response to Dhegayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Sheekaynaya lacag 15 Million$ oo Xaqul Qalina oo Dp-World Siisay Somaliland (Fallanqayn)

  1. Pingback: Lacagtii 15-ka Million$ ee Dp-World Xaqul Qalinka U Dhiibtay Haddii Uu Madaxwayne Gaas Runta Ka Sheegilahaa Maanta Waxaas Masoo Gaareen (Qormo Xasaasiya) | Puntland Observer