Dhegeyso constituency ama Gole Deegaan Siyaasadeed Waa Aasaaska Hirgallinta Nidaam Siyaasadeed Soomaaliya By Ibrahim Gablax

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

constituency oo micnaheedu yahay sida soo socota.
Tirada Xildhbaanada ee dal ayaa waxaa loo qaybinayaa tirada dadka ee dalka waa marka dalka oo dhan laga hadlayo, markaas ayaa waxaad helaysaa Gobol kasta ama magaalo kasta ama meelkasta oo dad ku nool yahay inta xildhibaan ee kasoo bixi karta.

constituency

Tusaale sawirka kore waa map constituency Gobol
Haddii Soomaaliya ay ku noolyihiin 11 million, xildhibaanada qarankuna yihiin 270 markaas constituency waxaa lagu helaa, 11 million/270=41000.

Markaas tusaale haddii ay Baydhaba ku nool yihiin 200 kun oo Soomaaliya markaas waxaa magaalada Baydhaba oo kaliya laga soo dooranayaa, tirada dadka Baydhaba oo loo qaybshay numbarkii calaa Gole deegaan siyaaasadeed constituency oo ahaa 41000 oo la mida
200,000/41000=5 calashaan waxaa laga soo dooranayaa oo kasoo tartamaya 5 xildhibaan, so simple.

Waana siyaasad dunida oo dhan laga isticmaalo laakiin aynan Soomaalidu 99% fahansanayn oo aanba loo sharaxin.
Hadaba si constituency ama Gole deegaan siyaasadeed loo qoondeeyo, waa in marka koobaad shacabka si saxa loo diiwaangalliyo, oo waliba kaadh aqoonsi loo sameeyo, markaas ayaa sidaas lagu tirakoobi karaa shacabka.

Maraykanka meel kasta oo ay ku nool yihiin tira dad oo cadadka constituency buuxinkarta waxaa loo sameeyaa maap, waxaana ka tartama hal xildhibaan.

Dhanka kale marka degmooyinka loo sameeyanayo Golayaasha dowladaha hoose ama xildhibaanada heer degmo, waxaa la eegaa tirada degmada ku nool oo loo qaybshay tirada xildhibaano ee Golaha deegaanka degmada ee lagu heshiisyay loo qaybshay, waxaad helaysaa constituency ama Gole Deegaan Siyaasadeed, markaas kadib ayaad go,aan ka gaari kartaa tuulo kasta inta xildhibaan ee kasoo bixi karta.

Tusaale
Haddii Degmada Boorame loo sameeyo gole deegaan

Linkiga hoose waxaad ka eegtaa Gole deegaan siyaasadeedka Ingiriiska.
http://www.parliament.uk/about/how/elections-and-voting/constituencies/

Dhanka kalena hoos ka eeg qormo muhiima oo isla arrinkaan ku saabsan

Is bar Bar Dhig Nidaamka Doorasho ee Maraykanka Iyo Finland Kee Hanaan Cadaaladeed U Dhaw

Gablax: 66-Gole siyaasadeed Goobood waa in Puntland laga hirgasho oo Gole siyaasadeed kasta ay soo doortaan hal Xildhibaan(Dhegeyso)

 

Biometrics ID Solution for Society (Biometrics waa habka ugu wanaagsan ee Soomaalida lagu diiwaangalinkaro (Daawo Aflaam)

By Eng Ibrahim Sh Maxamed Gablax