Dhegeyso: Golaha Wakiilada Puntland oo la xisaabtamay Hantidhowrka Guud ee Puntland

Filed under: Wararka |

Gudoomiyaha guud ee hanti-dhowr Jaamac Maxamed Cismaan ayaa Xildhibaanadda Baarlamaanka ka hor akhriyay war bixin ka hadlaysa waxyaabihii u qabsoomay tobankii bilood ee lasoo dhaafay, isagoona sheegay Hay’addani in la aasasay 1998-dii wixii xiligaasi ka danbeeyayna ay waxyaabo badan ku guulaysteen.

Qaabka Hanti dhowrku u ilaasho hantida dowladda iyo maareynteeda ayuu sharaxaad ka bixiyay wuxuna sheegay inay war bixino usoo gudbiyeen madaxwaynaha Puntland iyo Gudoonka Baarlamaanka, ayna dabagolle kala duwan ku hayaan hay’addaha dowladda.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa su’aalo kala duwan ka waydiiyay Gudoomiye Jaamac Maxamed qaabka sanadkan waxa qabsoomay iyo siday u dabo gallaan Hantida dowladda iyo ilaalinteeda

Hoos ka dhegeyso
[audio:http://www.puntlandtoday.com/pt/wp-content/uploads/2014/11/Hanti-Dhowrka-guud-ee-Puntland-oo-lala-xisaabtamay.mp3]

Ama moobiilkaaga ka dhegeyso

Source: Puntlandtoday