Dhegeyso Madaxwayne Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka horumarinta barnaamijka hiigsiga cuusb ee new deal ee kaabayaasha Dhaqaalaha

Filed under: Wararka |

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Maamulada DFS ee kala duwan iyo Xubno kasocda Beesha Caalamka ayaa waxaa furay Madaxwaynaha Puntland Proff Cabdiwali Gaas.

Gaas ayaa aad ugu dheeraaday baahida ay Soomaalidu qabto in dalka Soomaaliya la horumariyo, gaar ahaan in la horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo waxsoo saarka.

Gaas ayaa sheegay in ay muhiim u tahay in Jiilka soo socda ay muhiim u tahay in ay dhaxlaan horumar la taaban karo gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Barnaamijka waxaad mooddaa in Xamar laga waday laakiin waxaa wanaagsan in Barnaamijka la ballaariyo oo macluumaadka la qaybsado.
Waxaan rajaynaynaa in Gobaladoo dhan ay wada shaqayn sameeyaan, sida Jubbaland, South West iyo Galmudug in dhamaantood uu Visionkeennu wada noqdo in haddii tuulada u danbaysa wax laga hirgasho in dhamaan Soomaali ka faa iidaysanayso.

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2015/01/shirka-dhaqaalaha-Madaxwayne-Gaas.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhegeyso