Dhegeyso Waraysiga Farmaajo oo mar wax laga waydiiyay Deegaanada Dagaaladu Ka dhaceen Ee nabadaynta U Baahan Aan Dagaalada Gaalkacyo Ku Darin, iyo Qarmadii Farmaajo oo Aan Waligii Bookhan Puntland Iyo Jubbaland

Filed under: Important News,Wararka |

farmaajo
Musharxa Madaxwayne Farmaajo oo ah Musharaxa sida aadkaa looga jecelyahay magaalada Muqdisho ayaan Wali hal mar bookhasho ku tagin Puntland iyo Jubbaland oo uu isagu xisaab ahaan kasoo jeedo maadaama shaxda ay hadda Soomaali siyaasad ahaan ugu xisaabtamayso ay tahay shaxdii 4.5.

Farmaajo ajaan xiligii uu ahaa Raysalwasaara xukuumaddii uu Shiikh Shariif Madaxwaynaha ka ahaa Bookhan Puntland, hana 2012 Farmaajo wuxuu ahaa Musharax Madaxwayne, hase yeeshee xiligaas uu ahaa Musharax Madaxwayne Soomaaliyeed Farmaajo ma aanu bookhan Puntland iyo Jubbaland hal mar, ogow Puntland waa deegaanka kaliya ee nabaddaa ee aaminsanaa Qaran Soomaaliyeed in la yagleelo.

Farmaajo oo hadda siyaasadda Soomaaliya kusoo dhexjiray muddo 8 sano ah ayaan wali hal mar bookhan deegaanadda mudada goobay qaran Soomaaliyeed ee Puntland iyo Jubbaland oo uu markaas farmaajo yahay wakiilka jagada Madaxwayne ma a Raysal wasaare shaxda 4.5 ku matalaya.

Hadana Farmaajo ayaa aad looga jecelyahay Magaalada Muqdisho.

Hada ka hor ayaan maqaal ka qornay Farmaajo, waakan ee akhri.
Reer Muqdisho Ma Taageeri Lahaayeen Haddii farmaajo Puntland Bookhan-lahaa?? (Qormo gaaban)

Raysalwasaarihii hore Cabdiwali Sh Maxamed oo runtii ay dadka siyaasadda falanqeeyaa qireen in uu yahay nin wadaniyaddu ku dheertahay sida uu qireen rag badan oo siyaasiina ayaan hadana haba yaraatee laga jeclayn magaalada Muqdisho.

Marka reer Muqdisho sida ay wax ku wadaan haddii xaal ku sii socda waxaa aakhirka imanaysa in Qaran Soomaaliyeed laga samro, hadii aynan sida xaal yahay wax ka badelin shacabka iyo dadka wax garadkaa ee reer Muqdisho.

Hadiise uu farmaajo siyaasadda Soomaaliya rajo fiican ka leeyahay waa in uu soo helaa kalsoonida iyo rabitaanka shacabka uu 4.5 ku matalayo ee Puntland iyo Jubbaland, oo uu bookhdaa, waayo hadda sida xaal yahay waxaa la rabaa in meel hoose wax laga soo billaabo oo sidaas hoose Soomaali la isugu keeno.

Hoos ka dhegeyso farmaajo mar la waydiiyay siduu u nabadayn lahaa goobaha dagaaladu ka dhaceen oo aan ku darin dagaalada sokeeye ee gaalkacyo illaa hadda aafeeyay oo ay ku tusinayso sida aynanba wixii Gaalkacyo loogaaraa uguba jirin qorshihiisa siyaasadeed

One Response to Dhegeyso Waraysiga Farmaajo oo mar wax laga waydiiyay Deegaanada Dagaaladu Ka dhaceen Ee nabadaynta U Baahan Aan Dagaalada Gaalkacyo Ku Darin, iyo Qarmadii Farmaajo oo Aan Waligii Bookhan Puntland Iyo Jubbaland

  1. Pingback: Dhegeyso Waraysiga Farmaajo oo mar wax laga waydiiyay Deegaanada Dagaaladu Ka dhaceen Ee nabadaynta U Baahan Aan Dagaalada Gaalkacyo Ku Darin, iyo Qarmadii Farmaajo oo Aan Waligii Bookhan Puntland Iyo Jubbaland - Daily Somalia Report