Dhegeyso Warbixin Dagaalkii Buuhoodle 8 Dhimasho 15 Dhaawac Iyo Dagaalka oo Istaagay

Filed under: Wararka |

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in uu istaagay dagaalkii buuhoodle ku dhexmaraya labada beelood ee walaalahaa-.
Odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle ayaa la sheegayaa in ay kala dhexgalleen dhalinyaradii walaalaha ahaa, hadana dagaalkii uu istaagay.
Dagaalkan oo la sheegay in uu ku lugleeyahay siyaasadaha buuhoodle hareeyay ayaa ka bilowday aano qabiil kadib markii nin waxdilay uu baxsaday dabadeedna ninkii waxdilay walaalki uu dilay ninkii la dilay waliilkii.
Balse warar hoose ayaa sheegaya in iyadoo arrinkaas laga faa-iidaysanayo ay dagaalka billaabeen dhalinyaro daroogo lasoo siiyay oo markaas xabad ku dilay dad aan laba socon arrimaha aanada qabiil, oo waliba ninka barqadii saaka ay kooxda Cali Khaliif dilleen uuba ahaa jifakale oo aan ahayn jifida uu ka dhashau ninka wax dilay.

Isku soo duub dhalinyaradan islaayay ayaa la sheegayaa inay ilma abti ahaayeen, balse la dhexgalliyay siyaasadahaan Soomaalida waalay.
Shimashada ayaa lagu sheegay 8 labada dhan.
Dhaawac 15 labada dhan.
Hoos ka dhegayso warbixintii ugu danbeysay.

2 Responses to Dhegeyso Warbixin Dagaalkii Buuhoodle 8 Dhimasho 15 Dhaawac Iyo Dagaalka oo Istaagay