Dhegeyso Yuusuf Garaadkii BBC Qabyaaladda Ku Maamulay Oo Maantana Ku Doodaya Beesha Caalamka Waxaan Ka Dhaadhiciyay In Aynan Dawlad Gobaleedyada Wax Macaamila La Samayn Ee Waxwalba Aniga in La Iisoo Marro (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Soomaalida ayaa ku maahmaahda “ninna caadadi ma daayo bahalna qeeriin ma daayo”.

Yuusuf Garaakii laantii yarayd ee BBC Qabyaalad ku maamulay (Halkaan ka akhri siduu Yusuf shaqaalaha bbc hal beel uga dhigay) oo wixii lo’akayto ka sameeyay, oo aan maalin ka sheegin bbc cadaalad daradii ay samayn jireen maleeshiyaadkii ay isku beesha ahaayeen ee Koonfur biyaha wabiga dadka aan hubaysnayn ka iibin jiray.

Soomaaliya ayaan wali heshiin waxaana hadda lagu guda jiraa xiligii dib u hashiisiinta oo xitaa dawladaan waa iska macmil iyo tijaabo ee wali si wanaagsan Soomaali uma heshiin waliba maamulada qaar baaba sheegtay in ay Soomaaliya ka go’een.

DFS kama taliso maamul Gobaleedyada, hadana waxaa habboonayd in uu Yusug Garaad awoodda isugu geeyo sidii shacabka kala irdhoobay kalsoonidoodii dib lowgu raadin lahaa.

 

 

 

Haddiise ay xukuumadda Farmaajo iyo Khayre iyo Yusuf Garaad hadda isku dayaan in ay shaabadda DFS durba ku qaraabtaan, taasi waxay sii kordhin kartaa shakigii.

Yusuf Garaad maxaa ka galay deeqaha waxbarasho ee caalamku ugu deeqo Soomaaliya waa arrin wasaaradda waxbarashada hoos yimaada, hadana wuxuuba leeyahay dunidii ayaan kasoo xiray in aan maamul Gobaleedyada wax xiriira lala samayn oo xitaa anigaa ka dhaadhiciya Ethiopia in aynan qaabilin madaxda Puntland.

Waxaana wanaagsan in hadda awoodda la isugu geeyo sidii dib u heshiisiin looga shaqayn lahaa, dhanka kalena waa in hadda maamul Gobaleedyada aan waxwalba laga hor istaagin maadaama aynan dfs Dalkoodhan ka talin hadana lagu jiro xiligii dib u heshiisiinta.

Waxaana wanaagsan in uu Yusuf Garaad ka warsugo shirar mustqabalka looga xaajoondoono shaqooyinka ay maamul gobaleedyada iyo DFS kala yeelan doonaan mustaqbalka.

9 Responses to Dhegeyso Yuusuf Garaadkii BBC Qabyaaladda Ku Maamulay Oo Maantana Ku Doodaya Beesha Caalamka Waxaan Ka Dhaadhiciyay In Aynan Dawlad Gobaleedyada Wax Macaamila La Samayn Ee Waxwalba Aniga in La Iisoo Marro (Fallanqayn)