Dhuusamareeb: Xasan Sheekh iyo odayaasha gobolada dhexe oo wali isku afgaran la dhismaha maamulka G/dhexe

Filed under: Wararka |

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maalinkii labaad safar ku jooga degmada Dhuusamareeb si uu wax uga bedelo go’aanka ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka goboladda Mudug iyo Galgaduud ku gaareen in shirka maamul sameynta goboladda dhexe ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayaa wajahay hungo iyo fashil kadib markii diidmo xoog ah laga horkeenay.

Madaxweynaha ayaa u sheegay odoyaasha iney shaarka ka siibeen, dhabarkana ka jebiyeen kadib markii ay soo saareen go’aan ka dhana hadalkii Madaxweynaha ku shaaciyay inuu shirka goboladda dhexe ka furmi doono magaaladda Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Buuq iyo isgariif dhacay kadib odayaasha dhaqanka way diideen taladii Madaxweynaha uu wadey Madaxweyne Hassan ayaa gebo gebadii shirka u sheegay Duubabka dhaqanka inuu beri ku laaban doono Muqdisho.

uusanna ka daba hadli doonin, go’aanka uu kala kulmay Duubabka balse uu Xukumadda Somalia u gudbin doono.

Isku soo duube Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa ku fashilmay qorshihii uu u yimid Magaalada Dhuusamareeb, qorshahaa oo ahaa inuu go’aanka duubabka dhaqanka Goboladda dhexe bedelo.

Sikastaba ha ahaatee, Waxaa suurtagala inuu madaxweyne xasan sameeyo qorshe cusub, kaaso nku aadan siduu ku fashilin lahaa go’aanka odoyaasha maamulka gobolada dhexe Galgaduud iyo Koonfur Mudug.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu qaato go’aan adag oo uu ku xariiqaayo halka uu shirka ka dhacaayo, waxaana hada socda fursadihii ugu dambeeysay ee la siinaayo Odayaasha Dhuusamareeb si ay u taageeran in shirka uu ka dhaco Magaalada Cadaado