Dib u akhri maqaal 3 sano kahor aan daabacnay oo saxaafadda madaxbanaan haddii la xanibo maxaa xigi

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Halkaan ka eeg maqaalka xiligii la daabcay

Maqaal: Maxaad kala socotaa Muhiimadda Xoriyatul qowlka(importance of freedom of speech)
my-free-speech

Maqaalkan waxaan ku eegaynaa Muhiimadda Xornimo u hadalka iyo Saamaynta ay kuleedahay Ummadda jiritaankeeda iyo horumarkeeda.

Hadaad aragtid qof doonaya in uu dadka afka qabto, waa qof doonaya in uu wax isdaba mariyo, waayo haddii uu ruuxu yahay ruux daacada wax ceeba oo laga sheego malaha, laakiin qolooyinka doonaya in ay wax isdaba mariyaan oo marwalba ay wax kasta qaab jajuub iyo mu-aamarada ku fuliyaan, waxaa ku khasaba in ay la diriraan Xoriyatul Qowlka (freedom of speech).

Shacabka waxfahansan Xoriyatul qowlka oo su-aal laga galiyo, waxay ula mid tahay ruux Xabsi lagaliyay.

Wadan marka ay qolo rabto in ay si dadban ku xukumaan meesha ugu horaysa ee ay weeraraan waa saxaafadda Madaxa banaan, waayo waxay ogyihiin hadii saxaafad madaxbanaan jirto in aynan wax isdaba maryayn karin, marka waa immaa ay iibsadaan dhamaan saxaafadda oo ay markaas iyagu saxaafadii wax u sheegaysay shacabkaas noqdaan si ay u marin habaabiyaan shacabka, ama immaa ay sharciyo u samaystaan oo ruuxii hadal ku lidiya ku hadlaba xabsiga u taxaabaan ama dillaan inta ay madaxa soo duubtaan.

Wadamada shacabku talada dalkooda haystaan Saxaafadda Madaxa Bannaan waa lama taabtaan, waayo shacabku waxay kuwada xiriiraan waa saxaafadda Madaxbanaan, waxaana marwalba lasoo bandhigaaa kuwa wax mu’aamaradeeya waxa ay isdaba mariyaan.

Dalka Kenya ee Dariskeenna ah, ayaa saxaafaddu aanay madaxbanaanayn, waxaanna la xiraa ruuxii ka hadla wax aynan jeclayn qolooyin si dadban dalka u haysta oo u badan labada Qabiil ee wadanka Kenya waligood soo xukumayay ee Kikuyu iyo Kalenjin, waxaanna Kenya rajadeedda meel xun geeyay markii ay marwalba waligood wadankan Madaxwayne kasoo noqonayeen labadan Qabiil, iyagoo shacabka Kenya ka maamula Saxaafadda.

Hadabba malaga yaabaa in Soomaaliya saxaafadeeda la kontaroolo sida Kenya oo kale??.
Jawaabtu waa maya haddii shacabku bisilyihiin oo ay fahansanyihiin muhiimadda saxaafad madax bannaan iyo saamaynta ay ku leedahay in bulshadda lahorumarayo.

Hadiise aanay shacabka Soomaaliyeed garawsanayn muhiimadda iyo Faa-iidadda Saxaafad madaxbanaan, markaas waxaa u fuduaanaysa kuwa Yaydaa in ay markiiba Saxaafadda ama xakameeyaan, ama Kontaroolaan

Ibrahin Puntlandobserver.com