dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee cadaalad darada awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

Filed under: Articles,Wararka |

lataus

Karl Marx wuxuu ahaa ninka allifay fikirka nidaamka Hantiwadaagga (socialism), Fikirkaan oo kasoo horjeeda Fikirka Hantigoosadka(Capitalism).

Hadaba Karl Mark ayaa Fikirka Hantiwadaagga buug ka qoray bartamihii 1800 waxaana ku kalifay in uu qoro Buuggaas, waxaa xilligaas Yurub ka dhashay laba dabaqadood oo kala ah dabaqad hoose oo Fakhriya iyo dabaqad aad u tira yar oo aad u taajirtay, waxaana Yurub xilligaas ka jirey Nidaamka Hantigoosadka oo uu fikirkiisa Keennay Adam Smith oo isna nidaamka hantigoosadka soo alifay bartimihii 1700 (kun iyo todobadii boqol) Boqolsano kahor Xilliga uu Karl Marx kaqaorayo Buugqa nidaamka Hantiwadaaga.

Karl Marx wuxuu yiri haddii Dalka dabakhado ka billowdaan, dabakhadda Taajirka noqota waligood Taajir bay ahaannayaan dabakhadda fakhriga noqotayna waligood fakhri bay sii ahaannayaan, sida kaliya ee labada dabakhaddood loo simmi karo waa iyadoo lasameeyo Kacdoon Shacab oo xoog hantida looga qaado dabakhadda Farakutiriskaa oo Hantidii Shacabka Khiyaamada kula wareegtay.

Karl Mark wuxuu aaminsanaa in Hantida Dalka lawada leeyahay, sidaas la ajligeedna aan dad farakutirisa loo dayn karin Hantida dadka, marka wuxuu dadkii¨xilligaas ku goobaabin jiray in ay xoog kaga qaadaan inta yartaa ee fara kutiriskaa ee Hantida xeeladda ku haysata, sidaa la ajligeed waa in hantida Dalka la qarameeyo ama Canshuur fara baddan laga qaado Taajiriinta si dabakjadda hoose wax u gaaraan.

Fikirkii Karl Mark waxaa Hirgaliyay markii ugu horaysay Vladimir Lenin oo Xisbigiisii aaminsanaa fikirkii karl Marx ee hantiwadaagga ay xukunka Dalka Midowgii Sofiyeeti la wareegeen 1920, kadibna waxaa sii hirgaliyay, Joseph Stalin, Benito Mussolini, Hitler, Moa zedagon iyo qaarkaloo badan oo uu Siyaad Barre kujiro.

Dhamaan raggaan ma aynan qaadan Fikirkii Karl Marx ee waxyaalo baddan bay ka badalleen laakiin fikirka Karl Marx waxaa kusoo dhaw dhaw wadamada Iskaandaneefiyaanka
oo aaminsan in dadka Taajiriintaa lacagta Bar laga soo jaro oo kuwa Fakhrigaaa waxlaga siiyo, maadaama wadanka lawada leeyahay.

Hadaanse dhanka Soomaaliya usoo noqdo.
Kacaan sidiisaba wuxuu dhashaa marka Cadaalad darro jirto.
Waxaanan kusoo koobayaa Wadamadii Soomaaliya Gumaysanayay cadaalad daradii ay samaynayeen waxaa ka dhashay kacdoon shacab, kacdoonkaas ayaana sabab u ahaa in Dalka looga saaro, waliba Ingiriiska maadaama uu dhul farabaddan oo Soomaali lahayd uu si ula kaca u siiyay Ethiopia iyo Kenya Soomaalidu waxay Doorteen Talyaaniga.

Xukuumadii aaminsanayd fikirka reer Galbeedka ee Hantigoosadka ee dhalatay 1960, waxay abuurtay dabakhado walibba Qabyaaladina aynan ka marnayn, oo inkastoo aannan taariikh rasmiya hayn hadanna waxaa si gooniya loo xantaa in Beesha Majeerteen ay noqotay Dabaqad sare oo Hanti iyo Aqoonba yeelatay, halka Beelaha kale ay
ka level Hooseeyeen.

Arrinkaas waxaa ka dhashay Kacdoon ay hoosta ka riixayaan Beesha irrir oo markaas u arkaysay sida kaliya ee Beesha Daarood waliba Majeerteen Dabakhadda hoose lowgu soo cellin karro waa iyadoo kacdoon shacab lagu sameeyo, Xaqiiqiyan Siyaad Barre gadaal waxaa ka taagnaa Rag Culus oo kasoo jeeda Beesha Irir oo aaminsanaa waa in Dabakhadda sare ee Beesha Majeerteen Xoog hantidda looga qaaddo.

Kacdoonkaas Siyaad Barre waxaa uu ku qarameeyay hantidii iyo Dhulkii ay lahaayeen dadka lacagta haysta oo ay Markaas u badnaayeen Beesha Majeerteen.
Dhanka kale Kacdoonkii Siyaad Barre manoqon mid isbadal cadaaladeed abuura ee wuxuu faaska saaray Beesha Majeerteen, illaa ay sameeyeeen kacdoon ka dhan ah oo ay ku abuureen Jamhadii SSDF.

Dhanka kalena Siyaad Barre markii uu Xukunkii Mudo sii joogay Siyaad Barre Qudhiisa ayaa dib ugu noqday Hantigoosadkii, waxaana dib u abuurmay dabakhaddo, markaan ay
u badnaayeen Beesha Daarood oo dabakhad sare noqotay iyo Beelaha kale oo dabakahd hoosee noqday.

Dabakhadahaas waxaa ka dhaashay Kacdoon shacab oo guud waxaana kacdoonadaas farahabaddan oo muddo socday aakhirkii kacdoonkiisu hirgalay oo caasimadii lawareegay Marxuum Gen Caydiid oo markaas Muqdisho la wareegay, iyo SNM oo Markaas Caasimadii labaad ee hargaysa la wareegtay oo ku dhawaaqday Gooni isu taagga Soomaaliland.

Gen Caydiid waxay isaga iyo Kooxdiisii isku balansadeen in aynan hadda Soomaaliya Heshiis u baahnayn ee ay u baahantahay in dadka ama dabakhadaha lasimo,
siddaas la ajligeed inta Beesha hawiye ay kala simayaan Beesha Daarood wax heshiisa yaanu dhicin hana laqarameeyo hantidda Beesha Daarood maadaama iyaguba aynan
si xalaala kukeenin, arrinkaas doodo farabadan baa kujira laakiin waa sida kooxda Caydiid aaminsanaayeen, waana sida xaqiiqdaa ee markaas waxgaradkii Beesha Hawiye ku taageereen si toosa iyo si dadbanba.

Caydiid Qudhiisa ayaa hadana Dabakhaddo sameeyay oo Matalan Beesha Sacad waxay noqotay Dabakhad kasaraysa Beelaha kale ee Habargidir.

Halkaasna waxaa ka dhashay kacdoon Beesha Dhexdeedda ah oo markii danbe lagu khaarajiyay Caydiid.

Cabdullaahi Yusuf iyo Kooxdii 1991 Xamar kacdoonka shacab looga saaray maadaama qoladii kacdoonka Samaysay aynan kacdoonkaa sidii asalka ahaa u samayn waxaa iyagana dib ugu soo noqday Muqdisho Kacdoonkale oo uu hogaaminayo Cabdullaahi Yussuf oo wata Ciidama ethiopian ah, balse xaqiiqiyan qaar baddan oo taageerayay Cabdullaahi yussuf ay ahayd waxa hoosta ka riixayay ciil ay qabeen oo kusalaysanaa in ay ka xunyihiin sida cadaalad daradaa ee ay Magacii Soomaaliya u maamuleen Kooxihii Muqdisho xooga ku haystay, haddaan si bayaana u dhigo Kacdoonkan waxaa waday Beelaha aan ahayn Taageerayaash Isaaq iyo Taageerayaasha Habargidir, Xataa Beesha Abgaal xiligaas dadka dulman bay kamid ahaayeen waana sababta ay hormuudka uga ahaayeen Kacdoonkii Cabdullaahi yussuf hormuudka ka ahaa.

Waxaa iyana dhanka kale iska caabin kacdoon abaabulay kooxo diidan Kacdoonka uu waday Cabdulaahi Yussuf Kooxahaas oo xataa diinta isticmaalay oo kacdoonadaas waxaa ka dhashay¨
Kacdoonkii Maxaakiimta oo ay kasii Farcameen Kacdoonadii Alshabaab, Kii Aala shiikh, Iyo kii Damjadiid oo hadda lawareegay Taladii Soomaaliya.
Dhanka kalena Kocdoonadaanka Alshabaab waxaa kala hogaaminayay Cayrow oo kasoo jeeda Beesha Cayr, iyo Godane oo kasoo jeeda Beesha Isaaq, sidaan kor ku xusnay labada beelood ee Isaaq iyo Habargadir waxay hormuud ka ahaayeen taageerayaashii iska caabinta kacdoonkii ay wadeen Taageerataashii Cabdullaahi Yusuf.

Dhanka kale Kacdoonkii Alshabaab waxaa ka faa iidaystay Beelaha laga tiradda badanyahay maadaama Alshabaab ay qaabilayeen cidkasta oo fikirkoodda aaminsan, Beelihihii laga tiradda Badnaa waxay Kacdonkii Alshabaab kaga adkaadeen Beesha Habar Gidir oo iyadu Xoog deegaanadda koonfureed 20kii sano ee u danbeeyay ku haystay.

Hadda waxaa Shabeeladda Hoose kasocda kacdoon ay wadaan Beelaha Biyamaal iyo Digil oo ay kaga soo horjeedaan Dabakhadda Sare ee Beesha Habargidir.

Dhanka kalena Soomaaliland iyo Puntland waxaad moodaa in ay si tartiib tartiiba uga bilaamayaan dabakhaddo hadana qabyaaladaysan, dabakhadahaas hadaan inta goori goor tahay aynan isgaran kuwa dabakahdda sare sii noqonaya oo aynan hantidda waxkasiin dabakhadaha hoose isla markaana ay waliba dabakhadahaas Qabiil hoosta lasii galaan, waxaan shaki kijirin in uu bilaaban doono kacdoono dahsoon oo shacab oo markaas looga soohorjeesandoono dabakhadahaas bilaabanaya.

Dhanka kalena Beelaha Isaaq oo Beesha Daarood iyo Siyaad Barre cadaalad daradii ay kusameeyeen Beesha Isaaq awgeed Soomaali uga go-ay Qudhoodu wali may garan micnaha cadaalad darada oo waa iyaga xooga ku haysta Laascaanood iyagoo isticmaalaya Horgalayaan aan dhanka sida saxdaa loosoo dooran ee laaluush iyo jajuub kuyimid, markaas mudo intee le eg ayaad xoog reer ku haysan kartaa, qudhoodu waa in ay maleeshiyada beeshooda kala baxaan deegaanadaas oo u daayaan Beesha Dhulbahante deegaanadooda, oo qadariyaan walaalkooda Soomaaliyeed intii ay ku farxi lahayeen Ingariis oo aqoonsi siiyay.

Hadaba akhristow ma isleedahay hadii ay Soomaalidu fahansanaan lahayd cawaaqib xumadda kadhasha cadaallad darada,ama Hanti jacaylka
iyo Bakhaylnimadda ama Kaligi talisnimada waa ay ka xanuun kulul yihiin Cawaaqib xumada kaa gaarta cadaalad daradas aad hadda kahor horey u samaysay, marka aad si caadiya u ogalaatid xaqa shacabka iyo sinaanta loo simanyahay Hantida ama masiiyrka iyo Magaca Soomaaliyeed amaad markaas ka mustaqbal wanaagsantahay marka aad isa siiso hanti aad si cadaalad dara ah kusamaysay iyo iimaan la’aan iyo islawaynan aan meel fog jirin oo kacdoon ka danbayn doono, mase kutusaala qaadan doonaan Soomaalidu taariikhihii dhacay.

Qofkasta oo ku dagdega Hanti aanu usoo dhididin ee taa badalkeeda laalaab iyo xaqdaro ku raadsha, Qofkasta oo been been waxkuraadsha, Qabiilkasta oo isla waynaada, waa in Kacdoon shacab lagu qaado.

Hadda kahor waxaa si kooban u sharaxay
Muuse suudi Yalaxow wuxuuna yiri.

Siyaad Barre Mingisaa qabtay, waana laga tumay.
Caydiid Mingisaa qabtay waana laga tumay
Hada Mingiskii Cabdi Qaasimow hayaa waana laga tumaa, “Xiligaas waa Xiligii uu CabdiQaasim Madaxwaynaha ahaa”

Sikooban u diyaariye

Injineer Ibraahin Gablax Gablax@yahoo.com
Finland

2 Responses to dib u akhri: Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee cadaalad darada awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal

  1. Pingback: Haddii fal Cadaalad Darro La Sameeyo waxaa Ka Faa-iidaysta Dhamaan Inta Dhaqanka Xun Leh( Kuraastii Aqalka Sare Qaybintoodii Yaa Durba Siyaasadahoodii Gurucnaa U Isticmaalay) | Puntland Observer

  2. Pingback: Faadumo Aadan Cade Xaaskii Gabayre oo Sheegtay In ay Iskuulka U Lugayn Jireen Aabaheed Ka illaashay Xoolihihii Umadda ka dhaxeeyay (Fallanqayn iyo Dhegeysi) | Puntland Observer