Dib u akhri:Doorka ay Saudi Arabia ku lahayd burburkii soomaaliya ma lagaaray xiligii ilgooniya lagu eeggi lahaa (Falanqayn Kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Warbaahinta Puntlandobserver ayaa Qormo aad u falanqaynaysa Doorka Sacuudigu Bur burkii Soomaalida ku lahaa daabacday muddo sanad laga jooggo, waxaana hadda soo ifbaxay wararka Wikileaks iyo bal damaca heerka waxa uu Soomaaliya Sacuudigu la damacsanyahay.

Halkaan Qormada dib uga jileec.

Doorka ay Saudi Arabia ku lahayd burburkii soomaaliya ma lagaaray xiligii ilgooniya lagu eeggi lahaa (Falanqayn Kooban)


Qormadan ayaan ku eeggi doonnaa

1) Doorka ay Boqortooyada Sacuudigu ku lahayd burburkii Soomaaliya
2) Xiriirka ka dhexeeya labada Qoys ee Al-sauud iyo Abdal Wahaab.
3) Taakulayntii uu Sacuudigu soo taakuleeyay Jamhaddii SNM.
4) iyo Falanqayn kooban

Fadlan qormada dhuux nuxurkeeda kana soo jawaab arragtidaada wixii fikir ah ee kaaga soo dhex baxa

_____________________________________________________________________________________________________________________
Wali waxaan marna wax macluumaad iyo qormooyin ah laga samayn doorka shariifkaa ee Xukuumadda Boqortooyada Saudi Arabia ay ku lahayd Burburintii Soomaaliya, illaa iyo hadana ku leedahay.

Dad baddan baa u haysta in Soomaaliya burburinteeda xabad un looga qayb qaatay, laakiin burburka Soomaaliya waxaa iyana qayb wayn ka ahayd sida loo burburiyay dhaqankii iyo Taariikhdii soo jireenka ahayd ee Soomaalida.

Boqortooyada Sa-audi Arabia waxaa aad lowgu xantaa in ay laba arrimoodba ay aad uga illaashaan dalalka ay dariska iyo diinwadaagga yihiin.

Midda koobaad waxay ka illaashaan in Batrool laga soo saaro dalalkaas, midda labaad waxay ka illaashaan in ay xukunka dalalkaas qabsadaan xukuumad Cadaalad iyo Dimoqraadiyad dalkeeda ku maamulaysa.

Midda Batroolka waa wax suurto gal ah, oo waxay isleeyihiin haddii dalalkaas ay Batrool soosaaraan waxaa hoos u dhici kara qiimaha Batroolkooda, laakiin waxaa cajiib ah in ay dalalka ay jaarka yihiin, ay ka illaashaan in ay ka hirgallaan Nidaam Cadaalad iyo dimoqraadiyad ku salaysan, waayo waxay isleeyihiin waxay saamayn iyo ku dayasho ku yeelan kaaan shacabka Sacuudiga ee ay Xoogga ku haysateen mudada dheer Boqortooyada reerka reer Abuu Sa-uud.

Waxaana isa soo taraya soo shaac bixidda laba qoys ee reer Al-Saud iyo reer ABDAL WAHAAB

labadan qoys ayaa waxay lasoo dagaalameen qarnigii 18aad xukuumaddii Ottoman Empire ama Osmaniyiinta, iyagoo xiligaas Boqortooyaddii Ingiriiska Caawimaad ka heleya.

Labada Qays ayaa ku heshiiyay in Qoysna loodaayo wixii Diinta ah, Qoysna loo daayo wixii xukun ah, waxaanad moodaa in Saudi Arabiya ay Diintii Dhaxaltooyo noqotay, ee aynan ahayn wax loosimanyahay, balse ay wixii diin ah hoos tagaan Qoyska reer Abdal Wahaab, dhamaan ururuda Soomaaliya waalay oo ay Soomaaliya ka howl gala waxaa soo maalgaliya Xukuumadda Sa-udi Arabiya oo kaahaanaysa Qoyska reer Abdal Wahaab, waana sababtaas sababta ururada Wahaabiyiinta sida Al-itaxaad, Al-shabaab ay Soomaaliya xoogga ugu haysteen.

Hadaba Boqortooyadda Saudiga ayaa Soomaalida u adeegsata in ay kusoo afuufto ururo Diimeedyo ay Boqortooyadda Saudi Arabia soo maaligaliyaan oo magacyo baddan laakiin dhamaantood hoos taga Qoysta Boqorka Saaudiga u qaabilsan Arrimaha Diintaa ee reer Abdal Wahaab.

Ururadaan ay Soo maal galliyaan Boqortooyada Sacuudiga xoogga ku haystata oo kaashanaysa Boqortooyada reer Abdal Wahaab ee iyaguna dhaxalka iyo xoogga ku haysta wixii diinta la xiriira ayaa Malaayiin lacaga kusoo harqiya ururada aaminsan Fikirka Wahaabiyadda, waxaanad Soomaaliya hadda arkaysaa in dhamaan wixii dhaqaale ah ay Ururadaas dadka kasoo jeeda haystaan, balse aynan dadku u warhayn meesha ay Itaxaadku lacagta ka keenneen, ama ALshabaabku ay Lacagta ka keenneen.

Waxaa intaa dheer waxaa aad isku soo taraya doorka uu Sacuudigu ku lahaa dagaalkii ay Soomaaliya Ethiopia lagashay ee 1977, oo la aaminsanyahay in Sacuudigu uu Siyaad Barre ku qalqaaliyay oo uu waliba lacago farabadan ku siiyay arrinkaas Siyaad Barre.

Sidoo kale waxaa dad badan aaminsanyihiin Saudi Arabiya in ay door shariif ah ku lahayd Jamhaddii SNM soo taakulaynteedii, waliba waxaa la sheeggaa in marka ay Jamhadda SNM qabsanaysay waqooyiga ay wax yar un ka dhimanaayeen Ceel Shidaal oo markaas laga qodayay meel Saylac u dhow, ceelkaas oo la sheego in uu Batrool farabadan dhex ceegaaga, waxaana xigtay baa la leeyahay in ay aaggaas la wareegeen niman dharcad cad xiran oo dhanka Saudi Arabiya laga soo maalgaliyay, haddaad u fiirsato Calanka Somaliland iyo Calanka Saudi Arabia waxaad arkaysaa in Calanka Somaliland uu u egyahay calanka Saudi arabiya halkii uu uga ekaan lahaa calankii SoomaaliyaSomaliland-saudi arabia.

Dhanka kalena Xiliggii Xukuumaddii Cabdullaahi Yusuf, markii ay Puntland Shidaalka ku haminaysay, Sacuudigu wuxuu weerar sadex Geesle ah ku qaaday Xukuumaddii Cabdullaahi Yusuf, isagaa markii hore soo maalgalliyay Kooxihii Muqaawimada ayuu hadana Sa-udigu wuxuu laaluushay Geeddi markii uu soo siiyay lacag lagu sheegay illaa 80 Million$ lacagtaas oo ahayd lacagtii ay isku dagaaleen Geedi iyo Cabdullaahi yusuf.

Sacuudiga ayaa Raysal wasaare Geeddi ka codsaday in uu is hortaago Batroolka Puntland, waana sababta uu markii danbe Geeddi ku waayay Raysal wasaarenimadiisii kadib markii uu lacagtaas guri uga dhistay Nairoobi, arrinkaasna ay isku qabteen Cabdullaahi Yusuf.

Kooxaha uu Sacuudigu soo maalgaliyo ayaa aad ula dagaalama dhaqanka Soomaalida, iyagoo soomaalida ka suuliya dhaqankoodii soo jireenka ahaa, hadday noqon lahayd qaabka dharka loo xidho iyo haday noqon lahayd heesaha iyo Suugaanta,

Dhaqanka iyo Suuggaanta Soomaalida ayaa door shariif ah ka qaadan jiray midnimada iyo wada jirka Soomaalida, laakiin kooxahan uu boqorka Sacuudigu xoogga ku haysto iyo qoyska iyaguna diinta xoogga ku haysta ee reer Abdal Wahaab ayaa Soomaalida kala dagaalama dhaqanka iyo Suugaanta Soo jireenka ahaa.