Dib U Dhegeyso:Khudbaddii Madaxwayne Gaas ka jeediyay Xafladda 1 luulyo 2015: Puntland kaliya xil kama saarna Midnimada Soomaaliya (Video)

Filed under: Important News,Wararka |

Source:http://www.puntlandobserver.com/khudbaddii-madaxwayne-gaas-ka-jeediyay-xafladda-1-luulyo-2015-puntland-kaliya-xil-kama-saarna-midnimada-soomaaliya/

Madaxwaynaha Dawladda Puntland CabdiWali Maxmed Cali Gaas, ayaa Khudbad culus ka jeediayay Xafladdii 1 Luulyo 2015.
Nuxurka Khudbadda.
Madaxwaynaha ayaa ka hadlay Isku biiriddii Waqooyi iyo Koonfur iyo Xilayadii Xoriyadda.
Sidoo kale Madaxwaynuhu wuxuu ka hadlay meesha ay Puntland hiigsanayso, iyo Isbadalada Cusub ee Xukuuaddu tiigsanayso sida midka Dhaqaalaha, midka Cadaaladda, midka Horumarka.

Dhanka Federaalismka iyo DFS Mar uu Madaxwaynuhu ka hadlay ayuu sheegay in ay Puntland ahayd Hooyadii Federaalka.
Shirka Cadaado uma eka mid nidaam Federaalism lagu dhisayo ee waa Qorshe xamar laga soo maleegay si nabadda Puntland lowgu carqaladeeyo qorshuna waa in Tiigsiga iyo himalada Puntland ee Horumarka ku wajahan sidii loo carqaladyn lahaa.
.

Jawaari baa lahaa Maamulada qaar aqoonsanmayno, Puntland way ka horaysay DFS marka ma jawaari baan aqoonsi uga baahanahay.

Masuuliyadda Cawaaqibxumada shirkaas ka dhalata waxaa qaadaya DFS waayo wasiiradeede iyo Madaxdeedii dhamaan way joogeen shirka.

Waad maqalayseen waxay dhaheen xuduudayadu waa Nugaal
Sayidkii baa laga sheegay ninka yiri waxbaan gadi anoo Gol iyo cayn jooga ee yiri Baddii Garacad baan gudub u waydaaran Godka lagu cadaabyow muxuu Go’uu been sheegay.

Marka ay runta Tagto Xuduuddu Nugaal Noqonmayso ee weaxay noqonaysaa Godinlabe iyo Guriceel.

Haddii Dfs Dhagarta ay joojinwayso, Puntland Dastuurkeeda qodobkeeda afraad wuxuu u ogolyahay in ay Puntland aayaheeda ka tashato.

Wax gooniya oo masuuliyada Puntland kama saarna Soomaalinimada hadaan Cadaado iyo Xamar laga rabin.
Soomaalinimo dheefteeda Xamar Baa qaadata.
Ninkii Dheefteeda qaadanayay haddii uu dhimashadeeda ka shaqeeyo isagaa ayaa ugu isaga ayaa ku dharag la uguna baahi badan Soomaalinimada.

Haddiise aan la iska qaban inta yar ee Xumaanta ka shaqaynaysa waxaa suurtagal ah in Soomaali kala tagto, marka waxaa la rabaa ay inta wanaagga jecel meel uga soo wada jeestaan inta yar ee Xumaanta ka shaqaysa mar walba

One Response to Dib U Dhegeyso:Khudbaddii Madaxwayne Gaas ka jeediyay Xafladda 1 luulyo 2015: Puntland kaliya xil kama saarna Midnimada Soomaaliya (Video)

  1. Pingback: Dib U Dhegeyso:Khudbaddii Madaxwayne Gaas ka jeediyay Xafladda 1 luulyo 2015: Puntland kaliya xil kama saarna Midnimada Soomaaliya (Video) - Daily Somalia Report